Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulrahman on January 10, 2019, 10:43:07 PM

Title: Su'aal: Faahfaahin iga siiya raynaud's syndrome?
Post by: Abdulrahman on January 10, 2019, 10:43:07 PM
Asc marka hore waad salaman tihiin asc  marka xiga waxaan rabaa inaad talo guud iyo faahfahin iga sisaan Raynaud’s Syndrome Markuu qabowga imaado waxaan isku arkaa faraha oo dhiiga tago  maxey tahay talada ugu haboon iyo wax yaabaha fududeeyo arinkaas  iyo waxa looga hortagi karo Masanidin
Title: Re: Su'aal: Faahfaahin iga siiya raynaud's syndrome?
Post by: SomaliDoc on August 25, 2019, 01:22:04 PM
Waa isbadalka faraha, sanka foodiisa iyo dhegaha laga dareemo xilliyada qaboobaha, dhibkane wuxuu ka dhashaa xididada dhiigga siiya meelahaas oo ciriir noqdaan qabowga dartiis, waxaa looga hortagaa in gacmo gashi la xirto iyo koofiyad illaa dhegaha daboolayso, haddii aysan dhicin waa in aad si degdeg ah isku qandacisaa haddii aad isku aragtid kabuubyo iyo midabka farahaaga oo isbadalayo, haddii kale oksajiinta ayaa ka xirmayso waana halis.