(http://www.buzzle.com/img/articleImages/421152-56220-12.jpg) | Madax xanuunkaan waxaa loogu yeeraa madax xanuunka fuuqabaxa "Dehydration Headache" waa madax xanuun qabta dadka qaarkii markay aad u oomaan ama fuuqbaxaan, lamana ogo qaabka uu yimaado madax xanuunkaan inkastoo loo malaynayo markii biyaha jirka ku yaraadaan oo qofku fuuqbaxo waxuu jirku isku dayaa in biyaha haray looga faaideeyo jirka dhamaantiis saa darteeed xidida ayaa cariiri laga dhigaa taasoo keensanaysa in oxygen-ka iyo qulqulka dhiigga uu ku yaraado maskaxda, sidaas ayaa loo malaynayaa in madax-xanuunka noocaan oo ku yimaado. Haddii aadan horay isugu aqoon jirin madax xanuunkaan waa in aad ogaataa sababta keentay: - Oonkaagaa maa batay oo sidii horay biyaha u cabi jirtay maa is badashay? - Ma dhul kuleyla ah ayaa u safartay ama xilli kuleylo ah miyaa la galay? - Ma daawooyin ayaad qaadataa biyaha jirka ka saara sida Dareeriyaasha (Diuretics) - Ma oon badan iyo kaadi badan ayaa isku aragtay oo sonkor ayaa laga yaabaa? - Ma kaffee ayaad cabtaa ama cabitaanno kale oo joogto u cabto miyaa jira? Su'aalahaas kor ku xusan waxaad ka ogaan kartaa sababta kuu keentay oonka siyaadada ah oo ayaamahaan isku aragtay. Madax xanuun fuuqbax daawadiisu waa in aad cabtaa biyo kugu filan iskana ilaalisaa oonka. |