Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Faarah 1988 on December 18, 2019, 12:20:33 PM

Title: Su'aal: Markaan dadka la joogo ma sheekayn karo?
Post by: Faarah 1988 on December 18, 2019, 12:20:33 PM
asc salaan dhammaantiin bahda somalidoc.
walal in muddo ah waxaa dhib iga haysataa bulshadii aan la noolaaana dhex geli karayo intaan dad asxaab la sheekaysan lahaa waxaan door bidayaa inaan keli ahaado hadii qof ama asxaabtayda kamida ahi damco inaanu wada sheekaysano umaba sheekayn karayo waxaan noqonayaa sidii qof aan weligiis fagaare ka qudbadayn oo hadalkaa igu dheg dhegaya laba eray oo isku toosana maba odhan karo ilaa laba asbuuc ama kabadan ayaan bil walba saas ahaadaa dadku inay wax iga qaldanyihiin iima sheegaan lkn anaa is dareemaya waxaan ku noolahau wadan yurub kamida muddo badana bilaa sharci aan ku ahay mar dhakhtar ayaa igu yidhi depression ayaad qabtaa lkn xaaladan umaan sheegin xaalad kaloo aan ka wer wersanaa ayaan u shegay kiniini hurdona wuu isiiyay iyo mid kaloo wer werka bi iyo lkn xaga hurdada dhib igama haysan taa bedelkeeda markasta oo wer werku igu bato inaan 24 saac hurdo ayaan jeclahay oo hurdadu way igu badataaba daal iyo caajisna waaban kasii qaadaa hadase arinta dhibka igu haysa ayaa ah hadalkii ama sheekadii oo igu dhegaya yacnii ku raaxaysigii sheekada ayaan iska la ahay hadaan jid marayo inaanan qof igaranaya is arag ayaaan jec lahay hadaanu is aragnana waan ka naxaa oo sidii qof tuuga oo wax ka xaday ayaan isku dhex yaacaa salaanta xataa dhidid ayaa iga yimaada markaa khey alle haydin siiyee maxaad igula tali lahaydeen