Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu muhammad on September 01, 2015, 06:42:34 AM

Title: Su'aal: Candhuuf xab ah oo dhanaan?
Post by: Ibnu muhammad on September 01, 2015, 06:42:34 AM
Salaan ka gadaal,
balqan badan, candhuuf xab ah oo dhanaan, qofka oon codka jiidi karin sida marka quraanka uu akhrinaayo (codki oo dhakhso go'a) iyo daal uu dareemo, maskaxdoo jaam garowda?
Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Candhuuf xab ah oo dhanaan?
Post by: SomaliDoc on September 02, 2015, 01:08:14 PM
Cuncun dhuunta ah, qufac leh xaako dhanaan oo adag oo midabkeedu cadaan yahay iyo xiiq aad dareentid ama aad maqashid marka aad hawo jiidayso waxay astaan u noqon kartaa dhowr cudur oo ugu horreyso:
1- Neefta / Xiiqda (Asthma): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)
2- Caabuq ku dhaca dhuumada hawada ee sambabka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html)
3- Xasaasiyad dhuunta ah oo aanan heer Neef gaarsiisnayn.

Waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtaa si feerahaaga loo dahgaysto oo loo kala ogaado cillada nooca ay tahay, waa in aad daawo qaadataa.