Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: SomaliDoc on May 22, 2017, 11:25:23 AM

Title: BARNAAMIJ CUSUB: DHAKHTARKA LA SHEEKAYSO.
Post by: SomaliDoc on May 22, 2017, 11:25:23 AM
(http://somalidoc.com/Topics/rukumasho.png)

BISHAARO BISHAARO - BARNAAMIJ CUSUB
Bismillah,
"Dhakhtarka La Tasho" waa barnaamij cusub oo lex-biloodle ah oo ay ka faa'idaysan karaan asxaabta ku xiran "SomaliDoc".
Barnaamijkaan wuxuu kaa caawin doonaa in aad heshid la talin kuu gaar ah kuna saabsan caafimaadkaaga guud, waana mid ka duwan kii hore ee aad su'aalihiina ku soo gudbisan jirteen.
Barnaamijkaan wuxuu fursad kuu siinayaa in aad dhakhtarka toos ula sheekaysatid "Live Chat", uuna kaa waraysan karo xaaladaada caafimaad iyo wixii kugu soo kordho, waxaad barnaamijkaan ku soo gudbin kartaa waydiimahaaga si toos ah qoraal, cod, maqal ama muuqaal, waxaad ku soo diri kartaa warqadaha baaritaannada ee aad horay u samaysay iyo daawooyinka aad qaadatid iyo haddii ay jirto warbixin cusub oo aad markaas uga baahan tahay talo degdeg ah.
Wuxuu barnaamijkaan fursad u yahay dadka raba in cabashooyinkooda si degdeg ah looga jawaabo, dadka jecel in warbixinnadoodu gaar u ahaato, dadka la nool cudurrada raaga una baahan la talin joogto ah sida dhiig-karka, neefta, macaanka, qallalka, wadna xanuunka, cagaarshawga, howlgabka kilyaha, roomatiisamka, riixa, allarjiyada iyo cilladaha hormoonka sida "thryoid-ka" IWM.
Wuxuu kaloo barnaamijkaan fursad u yahay asxaabta u baahan talooyinka la xiriiro kobcinta nolosha khaasatan dhinaca qoyska, tarbiyada caruurta, howlaha ragga iyo dumarka, nafaqeynta jirka, jimicsiga iyo la-talinta cilmu-nafsiga iyo xanuunada dhimirka sida niyadjabka iyo welwelka "Stress".
Barnaamijkaan wuxuu u shaqayn doonaa qaab online ah annagoo adeegsanayso qeybta fariimaha ee boggeena Facebook, taasoo ka fudud qaabkii hore oo website-ka lagu soo gudbin jiray, shardina u ahayd in la isdiiwaan galiyo.
Barnaamijkaan 'dhakhtarka la tasho" waa rukumasho ama "Subscription" taasoo qofku bixinayo lacag yar oo go'an adigoo dooranayo muddada aad u baahan tahay la-talinta hal bil illaa 6 bilood, tirada noo qorshaysan in barnaamijkaan ay ka faa'idaysataan waa 1000 qof kaliya 6-dii biloodba, sidaa darteed waxaan ku talinaynaa qofkii ka maarmo barnaamijkaan inuusan booska ka buuxin dadka baahida u qabo.
Ogow barnaamijkii hore ee su'aalaha "dhakhtarka waydii" sidiisa ayuu usii socon doonaa, wax isbadal ahne kuma dhicin, mar walbane waad ka faa'idaysan kartaan.
Haddii aad xiisaynayso in lagugu daro liiska ka faa'idaystayaasha barnaamijkaan cusub ee "dhakhtarka la tasho" fadlan farriin noogu dhaaf qeybta farriimaha "messages-ka" ee boggeena Facebook ama emailka ah "info@somalidoc.com". Mahadsanidiin.