Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dhagadheere on September 23, 2011, 11:22:58 AM

Title: SU'AAL: BUUFIS?
Post by: Dhagadheere on September 23, 2011, 11:22:58 AM
Waxan doctor kuwaydii qofka  isku arka  callaamadaha soo socda  xanuunkiisu muxuu yahay
1.qof kaligii markuu yahay iska caadiya oo faraxsan markuu dadka soo dhexgalana qaloonaya shakiya indhuhu xanuunayaan haduu qof eego haduu hawl qabtana sida maamul dawakhaya oo ilaawaya waxwalba marmarna  aan waxba indhaha ka arkayn tusale qof  ad taqaanid ayaa kuhorfadhiya  ma arkaysid ee waad dhaafaysaa  
2markuu isyiraahdo hawl qabo wuu mashquulayaa iskubuuqayaa  shakiyayaa wuxuu sitay ilaawayaa dadkuu yaqaanay magacyadooda  ilaawayaa
arimahan kor kuxusan ayaa ihaysta waana kashaqaysan kari wayay dadkuna markay igu arkan qof waalan ayay imoodaan ana wx iyirahdan wad walantahay markan kaligay noqdana caadi ban noqdaa
Title: Re: SU'AAL: BUUFIS?
Post by: SomaliDoc on September 27, 2011, 10:55:51 PM
Xaaladda aad ka cabanayso waxay takhaatiirta u taqaannaa ka cabsashada bulashada "Social Phobia" ama ka welwelka bulshada "Social Anxiety".

Waa qofka oo xaaladdiisa is badasho markii meel bulsho ah soo dhex galo isagoo dareemo welwel, wallaac, cabsi iyo raaxo darri.

Wuxuu qofkaan neceb yahay inuu la dhaqmo bulshada, wuxuu isku dayaa inuu ka fogaado bulshada meelaha ay isugu tagaan ay buuxaanba khaas ahaan dadka uusan horay aqoon isagoo ka cabsanaya in ay ka sheekeeyaan ama qiimeeyaan ama sifeeyaan.

xanuunkaan waa xanuunnada welwelka midka ugu caansan waxaana la sheegaa inuu yahay xanuunka 3-aad ee ugu badan xanuunnada maskaxda.

Xanuunkaan wuxuu soo muuqdaa oo la dareemaa xilliga qaangaarka, wuxuuna ku badan yahay gabdhaha.

Waxay arintaani dhacdaa xaalado badan taasoo ka mid noqon karto mid soo billaabatay yaraanta qofka iyadoo ku soo barbaaray ka cabsashada bulshada, soona muuqato markii qofku gaaro xilligii uu la tacaamuli lahaa bulshada.

In qofka uu ka adkaado xaaladdaan waxay ku xirantahay qofka iyo xaaladda uu ku sugan yahay, dadka qaar way la qasadaan muddo ka dib, dadka kalane way ku adagtahay in ay ka gudbaan.

Sababta rasmiga oo keentay xaaladdaan lama yaqaanno laakiin waxaa loo tiiriyaa in ay la xiriirto xishood siyaado ah ama mid ka mid ah xanuunnada wallaaca.

Ka gudibdda xaaladdaan oo raagtay waa mid dhici karta xaalado badan laakiin waa in qofka inuu helaa caawimaad joogto ah taasoo ka imaan karta naftiisa ama koox caawimaad siisa.

Xaaladdaan waxay leedahay heerar kala duwan, waxay gaartaa mararka qaar in qofka uusanba ka soo bixin gurigiisa, dadkaasoo jecel in ay bulshada kala socdaan meel aan laga arkayn sida internetka.

Si xanuunkaan aad uga daawowdo waxaan kugula talinayaa in aad la xiriirto takhtar cilimi nafsiga yaqaanno, wayna sahlantahay in la daaweeyo.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydiin kartaa.