Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on May 06, 2011, 07:55:37 PM

Title: Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)
Post by: SomaliDoc on May 06, 2011, 07:55:37 PM
(http://somalidoc.com/Topics/IBS.png)

Quote
"Ma isku aragtay calool majiir (casiraad) aad u baahan tahay inaad saxarootid si xanuunka kaaga fuqo?, ma leedahay hawo badan oo caloosha ku dhex meeraysato iyo dhuuso badan?, saxarada oo marne adag marne shuban ah weliba ay la socdaan wax sidii malaxdii oo kale ah?, Intaa ma kuu raacsan tahay daal, dhabar xanuun, caajis badan iyo kaadi habeenkii ku qabata?, xanuunkaan ma kuu daran yahay xilliyada aad leedahay welwel, diiqad, fakar badan ama cuntid cunnooyinka qaar sida qamadiga, kaffayga, liinta, caanaha, farmaajada iyo burcadka?"

Xanuunka astaamaha kore leh waxaa loo yaqaanaa  "mindhicirrada kacsan", afka qalaadne lagu dhaho "Irritable bowel syndrome" afka carabigane waxaa lagu dhahaa "Qooloon Casabi" waa xanuun aad ugu badan dunida, wuxuuna ku dhacaa mindhicirrada waawayn "Large intestines", kuwaasoo ka nugul mindhicirrada yaryar "Small intestines"

Xanuunkaan wuxuu ka mid yahay cudurrada aan dhakhso lagu baraarugin, waxaana lagu gartaa kaliya in laga shakki baxo cudurrada kale ee aadka ugu eg sida gaaska boog calooleedka, caabuqa ameebaha, xiidmaha bararan, u dulqaadasho la'aanta lactose-ka, hoos ka akhriso xanuunadaas iyo astaamahooda si ay kuugu kala soocmaan.

Maxaa keeno cudurkaan?

Waxyaabaha kiciyo mindhicirrada:
Maadaama cudurkaan uu yahay mid raaga, qofkane hayn kara sanooyin badan, waxaa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay in xanuunka ay kiciyaan ama uga sii dara qofka qaba cudurkaan, waxaana ka mid ah:

Yuu ku badan yahay xanuunkaan?

Calaamadaha Mindhicirrada kacsan:


Xanuunada lagu qaldo cudurka mindhicirrada kacsan:
Maadaama cudurkaan uusan lahayn baaritaan u gooni ah oo lagu ogaan karo, astaamihiisuna ay aad u fara badan yihiin una ekaan karo xanuuno kale oo bulshada ku badan, waxaa muhiim ah in qofku aqoon u yeesho xanuunadaas kale iyo farqiga u dhaxeeyo, sidaa darteed akhriso warbixinta cudurradaan hoose:

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Maadaama garashada xanuunkaan uu dhib badan yahay waa in dhakhtarku kula yeeshaa waraysi aad u dheer iyadoo lagu waydiinayo astaamo badan oo u baahan in waraysiga lagu kala sooco kuwaasoo adiga ama qoyskaaga la xiriira, kadibne wiisito in lagaaga sameeyo caloosha si looga shakki baxo xanuunada qaar, kadib waraysigaas iyo baaritaankaas ka dib waxaa laguu diri karaa baaritaano kooban oo lagu xaqiijinayo ama lagu beeninayo xanuunada uu dhakhtarka kaaga shakkisan yahay, baaritaanadaas waxay isugu jiri karaan, dhiig, saxaro, kumbuyuutarro kala duwan.
Ogow xanuunkaan ma lahan baaritaan u gooni ah, waana sababta aan badanaa si dhakhso ah loo garan, looguna qaldo cudurro kale.

Sidee loo daaweeyaa mindhicirrada kacsan?
Waxaa laga yaabaa iney qaadato daaweyntu waqti dheer, laakiin waad ogaan doontaa siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu xakameyn karo xanuunkaaga. Waxaa laga yaabaa:

Haddii aad iskaga shakkisan tahay xanuunkaan ama u baahan tahay in talo dheeraad ah lagu siiyo, fadlan toos ii gala soo xiriir qeybta farriimaha "messages" ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)
Post by: Abualisom on February 02, 2023, 11:27:16 AM
Asalamu Aleykum warahmatu Laah,

Waxaan fahmi waayey jumladan (Casiraadda oo kaa joogsato markaad saxarooto) faah-faahin ma iga siin kartaa?