Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Terror man on May 27, 2009, 02:42:50 PM

Title: Su'aal: Cudurka sokorta daawo ma leeyahay?
Post by: Terror man on May 27, 2009, 02:42:50 PM
Ilaa iyo hadda wax daawo ah looma helin marka loo eego wadanka somalia  cudurka sonkorowka ah. Annigu ma maqal in caano geel ay daaween karaan cudurkaan. Mida kale, wali ma maqal cudur rasmi oo caano kali ah lagu daaweeyo. Waa dhab in caanuhu leeyihiin nafaqo badan, laakiin daawo in ay leeyihiin waa wax aanan maqal. inta badan dadka soomaalida waxa loo sheegaa in ay sameeyaan jirdhis ama ay orordaan subixi aroorti ama fadhiga badan iska dhaafaan dhab ahaanti anigu waxan u arkaa in ay tahay taasi ka hortag uun mida kale cudurka sonkorowga waxa uu aad ugu soo batay sanadihii danbe dalkeena soomaaliya  ma loo aaneen karaa qalalaasaha ka jira somaliya mise waxaa loo raaciyaa qalalaasaha iyo faqriga iyo xaaladaha bani aadanimo ee soomaaliya oo kasii dartay 3 sano ee ugu danbeesay waxaan aragnaa in 100%90 qoysaska soomaalda laga helo cudurkan ugu danbayntii waxad codsan lahaa  in dood balaaran arintan laga sameeyo qaababka uu cudurkan ku soo gaary  maxaa yeelay waagii aan yaraa ma maqli jirin cudurkan inkastoo taasi ay tahahy waayo aragnimadeyda iyo meeshii aan ku noolaa lakin uma hadlayo sidii in aan ka warqabo dadka oo dhan  iyo cudurkan ma la dhihi karaa waxaa sababa fikirka badan waxan sugaa waa taa in si fiican aan uga hadalno waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Cudurka sokorta daawo ma leeyahay?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2011, 01:46:22 PM
Jawaabta su'aashaada halkaan kaga bogo

http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html)