Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on October 03, 2015, 03:12:05 PM

Title: Meel ii ifiyow ma leh! - Talo iyo Tusaalo
Post by: SomaliDoc on October 03, 2015, 03:12:05 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ifiyow.png)

Maanta waxaan la hadlayaa dadka aanan garanaynin sida saxda ah ee dhakhatarku loogu sheegan karo cabashada xanuunkaaga iyo qaladaadku ay badanaa bukaanadu sameeyaan taasoo keeni karto in dhakhtarku uu ku wareero garashada xanuunka qofka.

Marka ugu horeysa ee dhakhtarka u soo gasho oo uu mgacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid ku waraysto, waxaa ku xigo waa in aad u sheegtid cabashada ku keentay isbitaalka adigoo sheega inta astaan ee aad dareensan tahay, una kala hormariyo sida ay u kala horeeyeen iyo mudada aad xanuunsayd.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad dhakhtarka u raacsiiso haddii aad wax daawo ah soo qaadatay iyo inta aad maalmood ee aad qaadanaysay.

Wixii intaa ka dambeeyo dhakhtarka isagaa su'aalo faahfaahsan kaa sii waydiin doono cabashadaada inta uusan ku wiisiteynin ama baaris gacmeed kugu samaynin isagoo xoogga saari doona cabashadaada qeybaha jirkaaga ee ay la xiriirto.

Intaas oo dhan waxay dhakhtarku ka caawinaysaa in baaritaan kooban oo diirada saarayo cabashadaada inuu kuu diro si cudurkaaga loogu garto muddo kooban.

Qof walba oo xanuunsan markuu u imaanayo dhakhtar wuxuu doonayaa inuu ogaado xanuunkiisa iyo daawadii loogu talagalay inuu helo, laakiin qofka bukaanka ayaa dhakhtarka dib marin karo garawsashada xanuunka sababahaan soo socdo awgood:


Marmarka qaar adigoo cabashadaada aanan waxba ku daraynin ayaa waxaad qaldi kartaa qaabka aad u sheegaysid taasoo saameyn ku yeelan karto waraysiga dhakhtarka, tusaale ahaan, hadduu qof bukaan ah ku dhaho dhakhtar "anigoo suuqa socda ayaan wareeray, anigoo sii dhici raba ayaan arkay oo meel ayaan fadhiistay, kadib waa la isoo garab galay, markaan guriga imidne caadi ayaan ku soo laabtay" waxaa dhici karto isla bukaankaas inuu cabashada u dhigo si kale oo ah "anuu suuqa marayo ayaan suuxay, dhulkaan ku dhacay waan socon waayay, waa la isoo qaaday markii guriga la ikeenay ayaan soo naaxay oo aan caadi noqday"
Haddii aad u fiirsatid labadaas cabasho waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay isku mid u tahay, laakiin haddii aad qof dhakhtar ah u sheegtid labadaas cabasho waa laba arin oo kala fog oo aanan shaqo isku lahayn, xanuunada uu dhakhtarku kaa baarayo way kala duwanaanayaan.

Intaa kadib taladaydu waa:
1- Fadlan isku day in sida laguu hayo aad u sheegtid kaliya adigoo aanan waxba ku darin ama buunbuunin.
2- Haddii aad rabtid in dhakhtarka uu xanuunkaagu si sahlan ku haleelo, ku caawi cabasho kooban oo sax ah adigoo u kala hormarinayo siday ku bilaabatay, ha hilmaamin in aad sheegtid haddii aad daawo soo qaadatay.
3- Ogow sababtu ay  badanaa dhakhaatiirta qaar u qoraan daawooyin tiro badan waa iyagoo aanan weli garan xanuunkaaga, ama adigoo dhakhtarka marin habaabiyay ama iyadoo aanan baaritaan la samaynin ama dhakhtarku uusan ku kalsoonayn baarista shaybaarkiisa, taasi waxay keeni kartaa in aad ku sii xanuunsatid daawada laguu qoray haddii aysan sax ahayn ama ay daawadu isla falgasho!.

Haddii aad su'aalo qabtid ku saabsan qoraalkaan iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)