Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cayuush Omer on April 08, 2016, 07:11:53 PM

Title: Su'aal: bahashan burka lagu darro (leebito/faxiso ama yeast)?
Post by: Cayuush Omer on April 08, 2016, 07:11:53 PM
asc akhwaani waxan idin waydiyay bahashan burka lagu darro (leebito/faxiso ama yeast ) hadba sad u taqaniin maxay cafimad daaro ledahay ? saamayn maku ledahay beerka? ma jirta cudurro ay keento?
Title: Re: Su'aal: bahashan burka lagu darro (leebito/faxiso ama yeast)?
Post by: SomaliDoc on April 23, 2016, 04:30:59 PM
(http://somalidoc.com/Topics/faxiso.png)

Yeast ama khamiirisada asal ahaan waa dulkunoole ka mid ah noocyada fangaska, dhibaato caafimaadne ma keeno.
Faxisada ama khamiirisada sida dadka qaar u yaqaanaan, wax dhibaato ah oo ay caafimaadka u keento ma jirto.

Nooca khamiirisada ee loo isticmaalo rootiga, doolshada, buskutka iyo wixii la mid ah waxaa loo yaqaanaa "Baker's Yeast".
Khamiirisada cunnada lagu daro waxaa ku jiro maaddo loo yaqaanno "Beta 1 3 Glucans " oo difaaca jirka sare u qaaddo sida ay cilmibaarayaasha ay sheegaan, waxay kaloo hoos u dhigtaa cudurrada ay keenaan fayraska sida hergabka iyo ifilada.

Cilmibaaris la soo bandhigay sanadkii 2010 iyo 2013, waxaa lagu sheegay in khamiirisada cunnada aan ku darsanno in ay la dagaallanto oo baab'iso unugyada kansarka ee jirkeena ku soo kordho, taasoo noqotay arrin loo riyaaqay laguna dhisayo rajo wayn sidii daawo looga samayn lahaa.
Akhriso cilmibaarista: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/23927572 (http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/23927572)

Way jiri karaan dadka qaar xasaasiyad ku qabo oo ku xanuunsado cunnooyinka faxisada lagu daro ee ma ahan wax cudur keeno ama dhibaato caafimaad ku ah bin'aadanka inta laga war hayo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)