Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kamaal on November 18, 2015, 09:46:35 AM

Title: Su'aal: Jirkayga markaan qandhufto xanuun maleh?
Post by: Kamaal on November 18, 2015, 09:46:35 AM
asc dhaqaatiirta salaan kadib,waxaan isku arkay mudo sanad kahor ah cilad taas oo ah in qaybo ka mid ah jirkayga hadii aan qaniino ama aan qandhuufto in aysanba xanuunayn ama dareemayn marka doctor arintaa maxaa keeni kara
Title: Re: Su'aal: Jirkayga markaan qandhufto xanuun maleh?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 01:44:49 PM
Qeybaha aadan xanuunka aadan ka dareemin waa kuwee?
Balwad miyaa leedahay oo ma isticmaashaa wax daroogo ah?
Meelaha aadan xanuunka ka dareemin ma is badalay maqaarka ama adkaansho ma ku aragtay?
Ma joogto ayaadan xanuunka u dareemin mise waa marmarka qaar?
Shaqadaadu ma waxay la xiriirtaa wax kiimiko ku shaqo leh, sida in warshad aad ka shaqaysid oo kale?
Kabaabyo maka dareentaa jirka khaas ahaan meelaha aadan xanuunka aadan ka dareemaynin?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab ama soo raaci faahfaahin dheeraad ah oo nagu caawin karto in aan talo haboon ku siinno.