Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Warsame66 on August 06, 2011, 07:55:53 AM

Title: Su'aal: xaajiyadeydu ma jeclo galmada, maxaa talo ah?
Post by: Warsame66 on August 06, 2011, 07:55:53 AM
ASALAAMU CALAYKUM  WARX  WABRAKAATU
sxbyaloow ama inta wax dabibtaay ama bahda wabkaay,.
aniga waxaa ihaya borobleen xaga xaaskaah oo galmada xageeda.
walaalayow xaajiyadaydu waxay inta badan ileedahay marabo ama igadaa,
waa xaga galmada e ama raxaysiga,
marka maxan smeeyaa?  masee jiran wax daawo ah ama fatimiino ah oo aan siinkaro
Title: Re: Su'aal: xaajiyadeydu ma jeclo galmada, maxaa talo ah?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 07:13:42 PM
(http://somalidoc.com/Topics/Libido.jpg)

Waa maxay hami yarida haweenka?
Dareenka kacsiga ee haweenka waa mid is bad-badalo, inuu kaco ama yaraado waxay badanaa la xiriirtaa xiriirka ka dhaxeeyo iyada iyo lamaanaheeda ama isbadallada waaweyn ee ku dhaca nolosheeda sida: uurka, dhalmo-deyska iyo xanuunnada.

Rabitaanka iyo hamuunka qofka waxay ku xiran tahay xaaladda caafimaad ama midda nafsiyadeed ee uu ku sugan yahay, waana in xal loo helaa arrinta markaa qofka heysato inta aanan laga fakarin in daawo ama siyaabo kale loo maareeyo.

Waa maxay calaamadaha?
calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto dhibaatadaan ayaa ah in haweentu aysan wax rabitaan ah aysan muujin, diraasad la sameeyay waxay sheegtay boqolkii haweenba 40 ka mid ah ayaa dareemo xaaladaan waqti ka mid ah noloshooda. kuwa dhibaatadaan ay ku raagto waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeyso boqolkiiba 5 illaa 15%.
Inkastoo markii arrimahaan laga hadlayo aaanan la isku waafiqi karin wixii dabiici ah iyo waxaan dabiici ahayn, qofba si ayuu u arkaa hami yarida, waxaa laga yaabaa haddii haweentaada aad ka sheeganaysid hami yari in ay leedahay, waxaa dhici karto in iyadane ay kaa sheeganayo kacsi badan.
kala fikir duwanaashahaas ayaa keeni karo niyadjab iyo welwel laakiin waxay khubarada sheegaan haddii dareenkiina iyo rabitaankiina uu ka yaraado sidii hore waxay calaamad u tahay in xiriirkiinna uu xoogeystay!.
Midda kale haweenka isku mid maahan sida uu eebbe uu abuuray oo way ku kala duwanyihiin arrintaan.
Waxay haweentu u baahantahay takhtar in ay aragto haddii iyadu ay dareensan tahay in hammigeeda uu yaraaday ama sidii ay ahaan jirtay ay wax iska badaleen.

Maxaa keeno?
Rabitaanka haweentu wuxuu ku dhisanyahay arrimo dhowr ah oo aan kala dhex bixi karin sida caafimaad jir ahaan, caafimaad nafsaani ah, khibradeeda, waxyaabaha ay rumaysantahay, qaab nolol maalmeedkeeda iyo heerka hadda uu marayo xiriirka ka dhaxeeyo iyada seygeeda.
Haddii aan kala qaado arrimahaas:

A- Xanuun jir ahaan:

B: Isbedel hormoonnada ah:
Isbedel ku yimaado heerarka hormoonnada haweentu waxay saameysaa rabitaankeeda.

C: Xanuun Nafsi ah: waxaa jiro cudurro badan oo nafsaani ah oo saameeyo caadifadda haweenka taasoo saameyn wayn ku leh rabitaanka iyo dareenkooda waxaa ka mid ah xanuunnadaas: welwelka, diiqada, niyad jabka, fikir la xiriiro shaqada, guriga ama xag dhaqaale, muuqaalka jirkeeda oo aysan ku faraxsanayn, cabsi ama naceyb ay u qabto xaaskeeda, taariikh hore oo dhibaato jir loo geystay, fara-xumeyn ama kufsi.

D: Arrimo la xiriiro wada noolaanshaha:
Haddii xiriir xumo uu jiro iyada iyo lamaanaheeda, haddii mushkilad ama dagaal uu ka jiro guriga, haddii wada-xiriirka ku saabsan baahida galmada ananan laga wda hadlin ama aanan la isla fahansaneyn, haddii shaki iyo masayr meesha yallo intaas waxay saameeyaan wada noolaanshaha, taasne waxay keentaa in rabitaan uu imaan waayo meeshaas.

Sidee loo daaweeyaa?

Is caawin iyo Is gacan-qabasho:
Haddii kacsiga uu yaraado qof ka mid ah labadiinna waa wax la fahmi karo in dhigga kale uu dareemo murugo ama uu dhibsado nolosha, sidaa awgeed waxaa talo ahaan idin siinayaa in aad xoogga saartaan sidii aad sare ugu qaadi laheydeen kalgacalkiinna iyo xiriirkiinna taasoo ugu dambeyntii saameyn weyn ku yeelan karto rabitaankiinna galmood, isku day in aadan fikirkaaga badankiisa aadan saarin galmo iyo wax la xiriira toona, ku dadaal in aad nafaqyso oo koolkooliso xiriirkiinna idinkoo qaab noloshiinna wax yar ka badala oo ka baxa rootiinka.

Fariin ragga ku socoto:
Fadlan ogow in dumarka ay si sahlan isku badali karo dareenkooda, inta aadan eedeyn ama aadan dhibsanin cagajiidka ay ka muujinayso rabitaankaaga, isku day in aad fahanto cilladaha jiro iyo waxa soo kordhay, ha noqonin qof dantiisa kaliya ka fakaro, ogow jaceelka, kalsoonida iyo isfahanka inay yihiin tiirarka farxadda nolosha lamaanaha.

Haddii aad qabto su'aalo dheerad ah oo ku saabsan arrintaan waad na weydiin kartaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)