Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Caruurta => Topic started by: Diagnostic on November 19, 2007, 01:37:41 AM

Title: Xisaabso culeeska iyo dhirirka cunugaaga
Post by: Diagnostic on November 19, 2007, 01:37:41 AM
Waxa ugu muhiimsan oo aad ku ogaan kartid in cunugaaga koriinkiisa uu caadi yahay wax mushkila ahne aysan jirin waa inaad la socotaa miisaankiisa iyo dhirikiisa.

Maadaama hooyooyinka badankood aysan haysan miisaan ay ku cabiraan ilmahooda, waxa aan halkaan ku soo gudbinayaa dariiqo sahlan oo qof walba uu ku xisaabsan karo culeeska iyo dhirirka cunugiisa.

Culeyska:
Ilmuhu marka ay dhashaan miisaankoodu sida caadiga ah waxuu u dhaxeeyaa 3 ilaa 3.5 kiilo, ilmaha bdankood culeeyskooda inuu siyaado waxaa la dareemi karaa 10 maalmood ka dib marka ay dhashaan.

Sanadka ugu horeeya culeeyskiisa sidatan ayuu u siyaadaa:
ama sidaan u xisaabso: inta bil uu jiro lagu daray 9 loo qaybiyay 2 (inta bilood uu jiro + 9 / 2)

Markuu sanadka labaad ugudbo sidan ayaa u xisaabsan kartaa:
- sanadka 1 - 6aad waxaa ku darsanta 2 kiilo, sanad kasta, sidaane u xisaabso: inta sano uu jiro lagu dhugtay 2 lagu daray 8 (inta sano uu jiro x 2) + 8
- sanadka 7 - 12aad waxaa ku darsanta 2 iyo bar kiilo sanad kasta, sidaan u xisaabso: inta sano uu jiro lagu dhuftay 7 laga jaray 5 loo qeybiyay 2 (inta sano uu jiro x 7) - 5 / 2

Dhirirka:
Ilmaha marka ay dhashaan dhirirkooda sida caadiga ah waa 50cm

Sanadka ugu horeeya culeeyskiisa sidatan ayuu u siyaadaa:

Sanadka labaad 1 cm ayaa ku darsanta bil kasta.

2 sano kadib sidaan ayaa loo xisaabsadaa:
inta sano uu jiro x 5 + 80 = dhirirkiisa oo cm ah

Diagnostic