Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hbboy on February 27, 2019, 03:34:13 PM

Title: Su'aal: Eating disorder waa meeqa nuuc?
Post by: Hbboy on February 27, 2019, 03:34:13 PM
Waa maxey eating disorder meeqa nooc ayey se u kala baxdaa maxaa xal u ah dr?
Title: Re: Su'aal: Eating disorder waa meeqa nuuc?
Post by: SomaliDoc on December 01, 2019, 01:52:48 PM
Cilladaha wax-cunistu way nuucyo badan yihiin waxaase ugu caansan 5 cilladood oo kala ah:

1- Anorexia Nervosa: cilladaan waa qofka oo aamino inuu cayilan xittaa hadduu caato yahay, waxay ku badan tahay dhalinyarada yaryar khasatan gabdhaha, qofka wuxuu iska ilaaliyaa cunanda cabsi uu ka qabo inuu cayilo awgeed, markaasne nafaqo darro ayaa ku dhacda.

2- Bulimia Nervosa: cilladaan waa qofka oo si xad dhaaf ah wax u cuno isagoo kantaroolka ka lumo, qofka markuu dhargo wuu is matajinaa si uu hadane wax u cuno mar kale.

3- Binge Eating Disorder: cilladaan waxay la mid tahay midda 2-aad laakiin waxay kaga duwan tahay inuusan qofka is matajinayn.

4- PICA: waa cillad qofka oo cuno waxyaabo aan cunno ahayn sida dhuxusha, jeestada, carada, saabuunta, warqadaha, goomaha, suufka IWM. midaan qoraal hore ayaan kaga hadalnay maadaama ay bulshadeenu ku badan tahay ee ka akhrsiso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4071.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4071.0)

5- Rumination Disorder: waa cillad qofka isku dilqeysiinayo cunto uu ruugay oo liqay si mar kale u ruugo u liqo ama u tufo.! cilladaan way ka duwan tahay dadka laabjeexa qabo oo cunnada ku soo gadoonto, qofkaan isagaa cunnadii caloosha gashay afkiisa ku soo celinaayo si uu u liqo mar kale. waa cillad maskaxeed.


Cilladaha la xiriira wax-cunsitu way badan yihiin laakiin intaas ayaa ugu caansan, wixii faahfaahin ah hoos waa nagu soo waydiin kartaa si aan faahfaahin kaaga siinno. Mahadsanid