Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Mahamed on August 08, 2016, 11:31:25 AM

Title: Su'aal: Nabro xanuun leh oo afka ku soo noqnoqdo?
Post by: Mr Mahamed on August 08, 2016, 11:31:25 AM
Su all Canker sore oo ku dhacdo afka ?maxaa sababo ?
Sideena loodaaweeyaa ?
Maxaana sababay in ay ku dhacdo dadka udhaxeeya 10-20 da da ?
Title: Re: Su'aal: Canker sore oo ku dhacdo afka, maxaa sababo?
Post by: SomaliDoc on October 08, 2016, 02:10:43 PM
(http://somalidoc.com/Topics/canker.png)

Bismillah,

Casharkeena maanta wuxuu ku saanbsan yahay nabraha cadcad ee ka soo baxo afka gudihiisa, sida carabka, ciridka iyo bishimaha gudahooda.

Waa maxay nabraha cadcad ee afka ka soo baxa?
Nabrahaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Canker Sores" ama "Aphtous Ulcers", waa nabro ka soo baxo afka gudahiisa, badanaa nabrahaan kama soo baxaan bishinta banaankeeda, mana ahan nabro la kala qaado ama la isku daarto, waa nabro xanuun badan weliba markaa wax cunaysid khaasatan haddii cunnada ay tahay mid dhadhaan ama kulul.

Badanaa nabrahaan wax daawo ah looma qaato oo way iska baaba'aan 1 usbuuc illaa 2 usbuuc gudahood, haddii mudadaas dhaafaan ayaa dhakhtar lala xiriiraa ama xanuun siyaado ah kugu hayaan.

Astaamahee lagu gartaa nabrahaan?
Nabrahaan waxay leeyihiin qaab goobaabin aam wareeg camal ah, midabkoodu waa cad ama jaalle xigeen, waxay ka soo baxaan carabka hoostiisa ama dhinaciisa, bishinta hoose ama midda kore gudaheeda, ciridka hoose ama dhinacyada jilicsan ee afka, wuxuu qofka dareemi karaa dareen gubasho ama xanfaf ah inta aysan soo bixin hal maalin ama laba maalin ka hor.
Markay baab'ayaan wax haaro ama raad ah ma reebaan.

Nabrahaan waxay noqon karaan kuwo yaryar ama kuwa waawayn, kuwa waawaynka badanaa waxaa la dareemaa xanuun markii cunto la cunayo, si ay u bogsadaan kuwa waawayn waxay qaataan 6 usbuuc ugu badnaan, waxayna reebi karaan raad ama haar.
Nabraha waxay kaloo u muuqan karaan sidii faruuruc badan oo lagu qaldi karo nabraha uu keeno xanuunka fayraska ee loo yaqaano "Herpes", laakiin shaqo iskuma lahan, waxayna nabrahaan ku baaba'aan daawo la'aan muddo laba usbuuc.

Maxaa keeno nabraha "Canker Sores"?
Illaa iyo hadda lama oga sababta saxda ah ee ka dambayso nabrahaan inkastoo ay aad ugu badan yihiin bulshada, waxyaabo waxaa jira loo malaynayo inay keenaan waxaana ka mid ah:
Intaa waxaa sii dheer in nabrahaan ay la socon karaan xanuunada qaar sida cilladaha dheefshiidka ku dhaco sida xanuunada loo yaqaano "Celiac disease, IBS ama Bahcet's disease, kuwaan oo ah xanuuno ku yar bulshada soomaaliyeed.)
Hadduu difaaca jirkaaga uu hooseeyo sida dadka qabo xanuunka AIDS-ka way isku arki karaan nabrahaan.
Ogow nabrahaan kama yimaadaan jeermis bakteeriyo ama fayras intaba, lagumana kala qaado shumis iyo wixii la mid ah inkastoo nasiib xumo ay tahay in dhakhaatiirta qaarkood ay nabrahaan ku qaldaan xanuuno kale oo ay keenaan fayraska sida nabraha loo yaqaano "Cold sores". Akhriso cudurrada lagu kala qaado Shumiska / Dhunkashada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6655.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6655.0)

Yey ku badan yihiin nabrahaan?
Qof kasta way ku dhici karaan nabrahaan, inkastoo ay ku badan yihiin caruurta, dhalinyarada haba u badnaadaan gabdhaha.
Waxaa la arkaa in dhowr xubin oo qoyska ka mid ah in nabrahaan lagu arko, taasina si dhab ah looma oga, laakiin waxaa loo malaynayaa in xiriir dhaxal uu jiri karo ama cunno ay isla cuneen inay ka dhashaan, fadlan ka fogow cunnada warshadaysan oo leh waqti ay ku dhacdo.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Xanuunkaan ma lahan wax baaris ah, dhakhtarka wuxuu ku garan karaa aragti, waxaa laga yaabaa haddii nabraha kugu soo laalaabtaan in caafimaadkaaga guud la fiiriyo sida difaaca jirkaaga, cilladaha dheefshiidka. laakiin ma jiro baaritaan u gaar ah nabraha "Canker Sores".

Sidee loo daaweeyaa nabraha "Canker Sores"?
Badanaa wax daawo ah looma baahdo sababtoo ah sidaan horay u soo sheegay iyagaa iska baaba'o hal usbuuc ama laba usbuuc gudahood, haddii nabraha ay joogto noqdaan ama xanuun siyaado ah ay keenaan, dhakhtarka wuxuu kuu qori karaa daawo lagu luqluqdo ama la mariyo si xanuunka kaa baaba'o. Waa muhiim in aad ka fogaatid daawooyinka qallajiyayaasha ma kuwa fayraska loo qaato si aysan nabraha kuugu badan ama kugu sii daahin.
Haddii aad heli kartid malab saafi ah, waa daawada ugu fiican ee maanta dunida taallo oo nabrahaan wax ka qabato, malabka mari nabraha, markii aad seexanaysidne malabka afka ku shubo oo ku luqluqdo kadibne liq, adigoo wax biyo ah ka daba cabin jiifso, insha'llaha nabraha way kaa baab'i doonaan.
Waxaa kaloo muhiim ah in aad baartid haddii ay jiraan wax aad allarji ku tahay ama aad isleedahay dhibaatadaan way kuu keeni karaan adigoo ka tixraacayo waxyaabaha aan kor ku soo xusay.
Ka fogow sigaarka, qaadka iyo daawooyinka aan laguu qorin, ku dadaal cunista cunnooyinka dabiiciga ah. badso cunnada leh fitamiinada oo aad ka akhrisan kartid qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5781.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5781.0)

Akhriso qoraal ku saabsan dildillaaca ama jeexjeexa bishimaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5366.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5366.0)
Haddii aad wax su'aalo ah aad qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Canker sore oo ku dhacdo afka, maxaa sababo?
Post by: Dawiil on October 08, 2016, 04:28:39 PM
Mahadsanid Dr

Nabrahaan waan isku arkaa marar badan sida aad u sheegtana daawada badankood waxba kama taraan
waxa ugu haboon ee aan arkay iney waxka taraan ama lagu xakameynkaro (Cancer sore) waa inaad ku luqluqatid/kurugtid Nabarka biyo Cusba badan leh marka aad jiifaneysid iyo markaad soo toostid
Cusbada sida aan arkay waxey awoodaa  iney disho ama ey u diido inuu sii tarmo Nabarkii soona de dejiso reysashadiisa
waxaa kaloo wax tar u leh dhanka Daawooyinka Tetracycline capsule oo lagu rugo Nabarka maalintii 3 ama 4 jeer

hadii macaan afkaaga ku danbeeyo Xanfafka ama xanuunka wuukugu sii badinaa

Dr  maxaa ka jiro in Cusbada ama Tetracycline capsule ey wax ka taraan ?

Mahadsanid Dr
Title: Re: Su'aal: Canker sore oo ku dhacdo afka, maxaa sababo?
Post by: SomaliDoc on October 22, 2016, 05:07:05 PM
Cusbada waxay ka dili kartaa wixii jeermis jiro, inkastoo ay xanuun badan tahay, laakiin tetracycline ma ahan wax la isku waafaqsan yahay ama loogu talagalay. (mana cado sababta loo isticmaalayo).