Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on January 31, 2017, 03:37:39 PM

Title: Su'aal: Warbixin iga sii Stem Cell?
Post by: Gantaal on January 31, 2017, 03:37:39 PM
Asc salaan kadib walal su aashaydu
waxay tahay waxaan ahay paraplegic dhaawac xabadeed ay keentay waxaan maqalay in lagu daaweeyo waxa la yidhaah do stem cell balan baan ka qab saday hadana waan kansalay si aan marka hore waxa sax ka ah iyo waxa khaladka ah idiin way diiyo inta aanan faraha lagalin wax aanan aqoon ulahayn markaa  walal sidaad marar badan  bulsha guud iyo aniga gaar ahaanba noola talisan aqoontiina allaha idiin barakeeyee bal maantana arintaa  tala iga siiya jizaa kumulahu khayr dhaawacuna waa mudo shan sano ah hada
Title: Re: Su'aal: Warbixin iga sii Stem Cell?
Post by: SomaliDoc on May 05, 2017, 08:13:02 PM
(http://somalidoc.com/Topics/asal.png)

Stem cell macnaheedu waa unugga asalka ah, haddii aan sii faahfaahiyo, qofka bini'aadanka markuu ilaahay abuurayo  wuxuu ka bilawdaa hal ungu, kadib unuggaas aya usii kala qaybsamo unugyo badan oo mid walba ka duwan tan kale shaqo ahaan, unug baa aragga qaabilsan, mid waa maqalka, mid waa taabashada, mid waa qanjirrada dheecaannada soo daayo, mid wadnaha ayaa laga samaynayaa. waxaa arintaas loo yaqaanaa "cell specialization", marka waxay cilmibaarayaashu soo jeediyeen muddo laga joogo 9 sano, in unugaas xal u noqon karo cillado badan oo bini'aadanka hayo, tusaale ahaan waxaa ka mid ah in cudurka macaanka nuuca type 1 lagu daaweeyo, waxaana la soo jeediyay haddii unugga "Stem Cell" lagu tallaalo ganaca oo howshiisu tahay inuu soo daayo hormoonka insulin-ta, in stem cell-ku isku badali karo unugyadii soo dayn jiray insulin-ta sidaasne macaanka looga bogsan karo.

Marka waxay dhibaato ka timid: Halkee laga keenayaa stem cell? maadaama sharci iyo diin ogolaanaysa aysan jirin in uur la soo rido si loo adeegsado unugyada asalka ah ee "Stem Cell", arintaasi waxay dhalisay buuq aad u wayn, waana laga hortagay.

Mudda kadib waxaa la yiri: looma baahna in uur la soo rido, laakiin ibida hooyada markay dhasho ka soo baxdo ayaa laga helay unugyadaas iyadaa la adeegsanayaa, taasina wadamo badan ayaa ka hor yimid oo maraykanku ka mid yahay.

Cilmibaaris dheeraad ah ka dib, waxaa la keenay fikrad la dhaho "Autologous Stem Cell" oo ah in isla qofka laga qaado dheecaanka dhuuxa lafta, halkaasne ay ku jirto unugyo u dhigma stem cell-ka, lana adeegsan karo, wadamo dhowr ah ayaa laga bilaabay in la adeegsado, laakiin natiijo la isku waafaqsan yahay oo lagu kalsoonaan karo oo ka soo baxay ma jirto inkastoo xarumaha lagu sameeyo ay sheegeen inay rajo fiican jirto xaaladaha qaarne lagu guulaystay.

Waxyaabaha la soo jeediyay in qaabkaan lagu daaweeyo waxaa ka mid ah dadka dhaafada ah oo ka dhaawacmay xangullaha dhabarka ku jiro, waxaana la soo jeediyay fikrad ah haddii unuggaas lagu talaalo xangullaha dhaawaca gaaray inuu dib u kabsan karo, taasina keeni karto in dareenkii iyo dhaqdhaqaaqii ay soo laaban karaan.

Waxaa xarumo dhowr ah laga furay dhowr wadan oo ogolaaday in qaabkaan la isticmaalo, waxaa ka mid ah dalalkaas, India, Brazil, Salvador, Panama iyo kuwa kale.

Weli si rasmi ah looma aqoonsana, waxtarkeedane heerka uu gaarsiisan yahay lama oga, waana cilmi curdan oo cilmibaaris badan ku socoto, dadka lagu tijaabiyay illaa iyo haddane ma ahan qof walba, waa dad rajadoodu ay fiicnayd waana sababta dadka lagu sameeyo loo mariyo hab doorasho.

Inkastoo xarumaha caafimaad ee ku daaweeyo "Stem Cell-ka" ay rajo fiican muujinayaan, ayna soo sheegayaan inay jiraan dad ka faa'iday daaweyntaan laakiin weli hay'adda caafimaadka maraykanka ee FDA way ka soo horjeedaa arintaan, xarumo dhowr ah oo si qarsoodi ah maraykanka looga furayne albaabada ayay isugu laabtay sanadkii hore, digniino dhowr ahne way ka soo saartay.

Marka waa hab cusub oo aan weli waxbadan laga fahansanayn, dhakhaatiirtane qof kulama taliso illaa inuu qofka isaga go'aan qaato mooyee.
Title: Re: Su'aal: Warbixin iga sii Stem Cell?
Post by: Gantaal on April 28, 2018, 10:07:07 PM
Masha Allah dr illahi ajir aan la soo koobi karin hakaa siiyo aniga ayaa  xangulaha ka dhaawacmay marka arintaa ayaa la iisheegay  sida cilmiyaysan ee aad iigu sharaxdayna aadbaan uga mahad celinayaa