Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dalxa on April 27, 2016, 10:46:39 PM

Title: Su'aal: waxan rabaa inaan ilkaha ku xidho birta?
Post by: Dalxa on April 27, 2016, 10:46:39 PM
Asc Dr.waan ku salaamay sln kadib, Dr. waxan rabaa inaan ilkaha ku xidho birta loo yaqaano  "Orthodontics"  si ay iigu simaan ilkaha iyagoo hada i raaran/korsaaran, qof hada qaba  baan ka waraystay wuxuu ii sheegay inay ilkaha ay ka dabceen oo ilaa hada foolasha waxba uusan ku goosan karin isaga oo qaba sanad iyo badh, marka wll waxan kaa codsanayaa inaad ii sheegto waxa macluumaad ah eed ka hayso, waxa faaiido dara ah ay leedahay, mise is leedahay awooda ilkaha way soo noqo doonaan marka laga furo kadib. kheyr baan kuu rajayn.
Title: Re: Su'aal: waxan rabaa inaan ilkaha ku xidho birta?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2016, 09:18:01 PM
Haddii si qaladan loo xiro ama si aad ah loo dhuujiyo way dabcaan ilkaha, waana arrin in laga fogaado ay muhiim tahay.
Dadka biraha markii loo xiro oo ilkahoodu aad u kala fogyihiin ama safiican isku dul saaran yihiin waa waqtiyo dhaadheer gudahood mar walba dhakhtarka la kulmaan si ilkaha waxyar oo dhuujis ah loogu daro, haddii hal mar lawada dhuujiyo dhibka aad ka hadashay ayaa dhacayo.