Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kallun on May 04, 2015, 01:42:24 PM

Title: Su'aal: Mar walba oo cunno cuno, laabjeex ayaan dareemaa?
Post by: Kallun on May 04, 2015, 01:42:24 PM
Asc doc waan ku mahadsantahay
hoosha aad dadkada u heysid walal
su aal ayaan qabaaa mar walbo oo
cuno wan ku laab jeexmaa olol camal kaniini zantac ayaan iska so
gataaa waan iska cunaa so dhib ma ii keene karaaa kaniiniga adoo mahadsan...
Title: Re: Su'aal: Mar walba oo cunno cuno, laabjeex ayaan dareemaa?
Post by: SomaliDoc on May 07, 2015, 11:34:28 AM
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dheefshiid xumada iyo laabjeexa cunno kasta ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html)

Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa xanuunka gaaska iyo xalkiisa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)

Daawada Zantac waa daawo loo qaato Gaas-ka, daawo kastane waxay leedahay waxyeello inkastoo ay kala daran yihiin, daawadaan waxaa ka mid ah dhibaatada ay keeni karto: Xajiin, barar wajiga ama gacmaha, xatxato afka iyo dhuunta ah, bacoolo maqaarka ku samaysma, kaadida ama saxarada oo is badalo miadabkooda, lalabo, cunno-xumo, wadna garaac siyaado ah iyo tabardarri.

Waxaan kugula talin lahaa in aad si dabiici ah gaaskaaga u daaweyso oo aad raacdo talooyinka ku qoran qoraallada kore ee aan kuu tilmaamay.