Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abukar on August 31, 2009, 12:03:31 PM

Title: Suáal: Dhicis ama Dhabar furan?
Post by: Abukar on August 31, 2009, 12:03:31 PM
asalaamu calykum warax matulaahi ww
walaal mudo badan ayaaan ku arkay xaskayga dhicis ama (dhabar furan waxaa loo yaqaan }
Title: Re: Suáal: Dhicis ama Dhabar furan?
Post by: Dr.Sharbele on August 31, 2009, 10:28:39 PM
Dhicis (Abortion) waa xaalad ku dhacda lixda bilood ee ugu horreeya qofta xaamilka ah, dhicintu way noocyo badantahay, sida dhicis dhameystiran, mid an dhameystirneyn, iwm, sidoo kale waxa kala duwan asbaabta keenta dhicinta waxana ka mid ah:

-Daawooyinka qaarkood waxay sababi karaan dhicin degdega
-shil ama nabar toos ugu dhaca uurku jirka
-Cudurada qaarkood, sida sonkorowga, iwm

 Hadaba si loo ogaado cillada waxa loo baahanyahay baaritan dheeri ah, iyo dhicinta iyo haduu yahay midsoo noqnoqday, Ultrasound, ama baaritaan gacanta hadba kii lagu ogaado.

Daaweeyn.
 Daaweyntu waxay noqoneysa hadba nooca uu yahay, haduu uurku jirku dhaqdhaqaaq laga waayo ama uusan nooleyn waa lasoo xaaqayaa, sidoo kale waxa la joojinayaa dhiigga.

F.g hadii aad calaamadaha dhicinta dareentid si dhakhso leh ula xiriir dhakhtar caafimad oo ku shaqo leh Obs-ka, si uusan khatar u gelin xaamilada iyo ilmaheeduba.
Title: Re: Suáal: Dhicis ama Dhabar furan?
Post by: SomaliDoc on September 01, 2009, 02:23:00 PM
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhicinta
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0)