Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on October 20, 2015, 12:06:48 PM

Title: Muxuu Qabtaa Computer-ka la dhexgalo?
Post by: SomaliDoc on October 20, 2015, 12:06:48 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kumbuyuutar.png)

Qoraalkaan waxaan maanta u doortay in aan uga hadlo maadaama aan arkay in dad badan ay ka aamisan yihiin qaladaada aanan sax ahayn oo keeni karto in ay dhakhaatiirta iyo bukaanada ay is fahmi waayaan.

Waa maxay computer-ka la dhexgalo?
Waa mashiin raajo casri ah oo afka qalaad lagu dhaho "scan" kaas oo u kala bixi kara labo qayb oo kala ah "CT" iyo "MRI", waxaa la saaraa qofka markuu dhakhtarka u baahdo inuu ogaado meel jirka ka mid ah in ay cillad ka jirto cilaldaas oo ah wax la arki karo oo ay raajada soo saari karto.

Cudurradee ayaa lagu ogaadaa?
Waxaa lagu ogaadaa cudurro badan, fikraduna waxay ku dhisan tahay in xanuunka qofka hayo wuxuu is badal oo uu jirka ku sameeyay in la arko, tusaale ahaan in xubin ay weynaatay oo kale, in nabar uu jirka ka soo baxay ama buro, in dhaawac qofka gaaray lagu eego heerka uu gaarsiisan yahay, in caabuq ama infekshan dhaawac gaarsiiyay qofka in lagu ogaado heerkiisa iyo noociisa intaba iyo waxyaabo kalaba.

Ma jiraan waxyaabo aanan lagu ogaan karin?
Waxyaabo badan oo waxaa jira aanan loo baahnayn in la saaro qofka oo ay jiraan siyaabo ka fudud oo lagu ogaan karo, laakiin dadka badanaa ay si qaldan u fahansan yihiin waxaa ka mid ah:
- Haddii aad rabtid in xubin jirkaaga ka mid ah in ay shaqaynayso iyo in kale in aad ogaatid sida kilyaha ama beerka ama qanjirada hormoonada soo dayo oo kale, waxaa lagu ogaadaa in dhiig laga qaado qofka si loo baaro heerarka dheecaanada ay xubnahaas soo saaraan, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahayba.
- Haddii qofka cillad ay ka haysato xubin gooni ah oo u baahan qalab loogu talagalay in la saaro sida wadnaha oo kale, hadduu qofka wadnaha uu ka jiran yahay ama howlgabsan yahay, waxaa habboon in la saaro mashiino kale oo wadnaha u khaas ah.

Markii qofka la dhexgaliyo ma la arkayaa meel kasta oo jirka ka mid ah?
Tanna waa qalad kale oo dadku ay aaminsan yihiin, dhakhtarka markuu kuu soo diro in lagu saaro mashiinkaan wuxuu soo qoraa meesha uu rabo in lagaa saaro kaliya, waxaa dhici karto in madaxa kaliya lagaa saaro ama lafdhabarta kaliya ama caloosha kaliya ama sinta ma jilibka kaliya.
Waa inta uu soo codsaday dhakhtarkaaga kaliya ee meelo kale waxba lagaaga sheegi maayo mana lagaa saarayo.
Waana qalad fikrada ah in mashiinka haddii laguu diro ay macnaheedu tahay in jirkaaga oo idil la wada arkayo wixii cilald qarsoon oo meel kasta lagu eegayo.

Ma isku diri karaa anigoo dhakhtar soo marin?
Maya, waa mamnuuc in aad isi saarto iyadoo aadan dhakhtar arkin, maxaa yeelay markii lagu saarayo qalabkaan waa muhiim in qofka ku saarayo uu fikrad ka heesto waxa uu baarayo iyo waxa uu raadinayo iyo warbixin ku saabsan xanuunkaaga ma cabashadaadu waa inuu wax ka ogyahay.

Qalabkaan caafimaadka wax ma u dhibi karaa?
Inkasto uu ka shucaac badan yahay raajada laakiin laakiin ma ahan qalab si joogto ah la isku saaro ama jirka meelo aadan u baahnayn in la saaro.

Maxay ku kala duwan yihiin CT scan iyo MRI scan?
Labada qalab ama baaris way isku dhow yihiin inkastoo MRI-du ay ka casrisan tahay CT-scan-ka laakiin taasi macnaheedu maahan in ay ka wax sheegis fiican tahay, waxa ay ku kala duwan yihiin waxay ku xiran tahay waxa la baarayo, waxyaabaha qaar waxaa fiican in lagu ogaado MRI sida cilladaha lafdhabarta ama xangullaha ku dhaco, cilladaha maskaxda ee aadka u yar yar iyo cilaldaha ku dhaca seedaha kalagoysyada oo kale, laakiin wixii kaloo ka soo haray sida jajabka lafaha, dhaawacyada maskaxda iyo cilladaha sambabada iyo helist burooyinka waxaa ku fiican qalabka CT-scan-ka.
Sidaas awgeed qalabka aad u baahan tahay waxaa xadidi karo dhakhtarkaaga, waxayna ku xiran tahay waxa uu kaaga shakisan oo uu rabo inuu kaa baaro.

Iska ilaali qaladaadkaan:

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)