Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Farduuz1996 on August 02, 2015, 08:08:50 AM

Title: Su'aal: Jir dildilaaca waa maxay?
Post by: Farduuz1996 on August 02, 2015, 08:08:50 AM
Asc suaasha aan qabo waxey tahay: wa maxey jir dildilaaca maxaase sababa? Ma jiraan daawooyin loo qaato? Dhakhtar ahaan maxaa lagula talinaya qofka qaba? Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Jir dildilaaca waa maxay?
Post by: SomaliDoc on August 04, 2015, 09:59:42 AM
Jir dildilaaca waxyaabo badan ayaa keeni karo siyaabo kala duwan ayaa lagu kala ogaan karaa.
Jir dildilaaca aad tilmaamayso ma maqaarka kore ayaa dillaacayo sidii in sakiin lagu jaray oo kale oo maqaarka wuu kala qaadmayaa?
Mise ma dillaacayo laakiin astaan dillaacid camal ah ayuu yeelanaa sida inuu xariiqin yeesho barar leh oo kale ah?
Mise waxaa ka wadaa xariiqmaha jirka ku samaysmo markuu qofka cayilan yahay ama markii haweentu ay dhasho oo kale, xariiqmaha ka soo muuqdo caloosha dhinacyadeeda iyo bowdyahaya oo kale?

Fadlan su'aashaada soo waadixi.