DOODDA BISHA JANUARY 2011
(http://www.hopkinsmedicine.org/dome/0405/images/story/home/1a.jpg) | Markii dagaalkii sokeeye qarxay oo wadankii laga kala qaxay intii aqoon laheedne dibadda u carareen ayaa waxaa dhacday baahi daran ee caafimaadeed, taasoo kaliftay in si howshii caafimaad lagu sii wado ay dad aan aqoon u laheen caafimaadka amaba ahaan jiray kalkaaliyaal caafimaad ama caawiyayaal qalliin in hawshii dhakhaatiira la wareegaan.
Waxey taas keensatay in bulshadii ku qasbanaatay kadibna la qabsatay, dadka noocaas ahi illaa iyo haddane ay ka shaqeeyaan isbitallada waaween ee dalkeenna inkastoo ay howl culus qabteen oo intii dagaallada socdeen wadankane laga kala maqnaa wixii ay badbaadin karaan ay badbaadiyeen laakiin iyadoo takhaatiir badan wadanka ku soo laabatay qaar kalane ay jaamacadaha dalka ay ka soo baxeen, baahidii jirtayne ay sii yaraaneyso ayaa waxaa sii jira in dadka noocaan ahi ay sii kordhayaan.
Frsamo yaqaannadaan caafimaadeed waxay a wood u leeyihiin in ay sameeyaan qalliimo nooc walba leh inkastoo aysan soo marin waxbarasho caafimaad qaarkoodne ayba ka soo bixin dugsi sare.
Ilaahay qofka wuu ku hibeysan karaa aqoon ama xirfad labadaba lakiin waxaa loo baahanyahay haddii waxu caafimaad yihiin in xeerka iyo akhlaaqada caafimaadka ay ku xadidi karaan una hogaansantid. |
Tusaale yar hadaan idin siiyo:
Vivien Thomas waa nin afrikan mareykan ah waa xirfadle caafimaadeed, weligiis caafimaad ma dhigan laakiin xirfaddiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku allifay qalliin lagu badbaadinayo dadka qabo cudurka "Tetralogy of Fallot" waa cudur wadne oo ay ku dhashaan caruurta.
Cudurkaan wax daawo looma heynin ilmahane way u la'an jireen laakiin qalliinkii uu Vivien uu allifay kuna sameeyay eygiisa ayaa illaa iyo hadda la adeegsadaa laguna badbaadiyay boqolaal kun oo caruur.
Vivien wuxuu u shaqeyn jiray Dr.Blalock, una xaaqi jiray xafiiskiisa, una quudin jiray eeyada uu ku xanaaneeyo sheybaarkiisa.
markuu dr. blalock uu arkay in Vivien uu yahay nin aan caadi aheen ayuu sheybaarka u soo wareejiyay si uu uga shaqeeyo inkastoo lacagii aan loo kordhin oo "Jnitor" ahaan uu lacag ku qaadanayay maadaama uu san wadan shahaado sheybaareed.
Vivien inta uu sheybaarka kala shaqeynayay Dr. Blalock ayuu wax badan korosaday iskuna dayay in dhibaatooyinka uu la xalliyo saaxiibkiis.
10 sano kadib ayuu qalliinkii lagu guuleystay markii uu Vivien ku tijaabiyay eey uu lahaa kaasoo eyga wadnahiisa laga dhigay sidii qof qaba "Tetralogy of Fallot" kadibna lagu sameeyay qalliin lagu saxayo.
Vivien wuxuu qalliinkii uu baray Dr. Blalock inkastoo weli aan lagu tijaabin qof biniaadan ah.
Bishii November 29, 1944 ayaa qalliinkii lagu sameeyay cunug 18 bil jirta cudurkane u sii dhimanaysay, qalliinkaasoo uu sameeynayay Dr. Blalock, Vivien-na isagoo kursi saaran ayuu ka kor hagayay Dr. Blalock.
Qalliinkii waa lagu guuleystay waxaana loo bixiyay looguna magac daray "Blalock-Taussig shunt" inkastoo maskaxdii qalliinka soo alliftay, hageysayne aan la xusin maadaama uusan profession caafimaad uusan laheen.
Vivien kama xumaanin arintaas oo wuu garanayay cilmigaan caafimaadka inuu xeerar iyo shuruudo adag wuxuuna isku dayay dhowr jeer inuu galo iskuul caafimaad laakiin uma suura galin.
Dr.Blalock wuxuu noqday nin caan oo abaalmarinno badan helay, meesha uu Vivien uu ahaa ninka qeybiyo cabitaannada xafladaha loo qabanayay ardeygiisa Dr.blalock!.
Inkastoo Dr. Blalock loo qaatay Cheif of Surgery jaamcadda Hopkins, vivien wuu soo watay oo kama harin.
Wuxuu Vivien jaamcadda sii joogay 15 sano kadib markii uu saaxiibkiis Dr. Blalcok uu u geeriyooday cudurka kaankarada.
Viven wuxuu tababaray oo macallin u noqday takhaatiirtii qalliinka ee maraykanka ugu caansaneed inta u dhaxeysay 1968dii ilaa 1980tameyadii.
Sheekada Vivien iyo Dr. blalock waxaa laga sameeyay laba documentary film oo kala ah:
- Something Lord Made
- Partners of the Heart
Waxaan sheekadaan laga faaideysanayaa dhowr shey oo ay ka mid tahay:
1- Qof aan aqoon u laheen caafimaadka inuu wax ku soo kordhin karo ama ka qaadan karo dowr weyn horimarinta caafimaadka.
2- Xirfaddaada haddii aadan shahaado aysan la socon meel dawlad iyo nidaam ka jiro laguma aqoonsanayo oo wixii aad qabatay dad kale ayaa lagu mahadin doonaa oo magac ku ma heli doontid.
3- Laga ma weynaado waxbarasho, intaa doontid jir waxbarasho waa lama huraan.
4- Qof xishoodo iyo qof isla weyn waxba ma bartaan.
Akhristaha sharafta mudanow, doodeennu waxay ku saabsantahay su'aalahaan soo socda:
1- Sidee ayaa looga faaideysan karaa looguna faaideyn karaa qof xirfad caafimaad leh, aqoon dugsiyeedne aan soo marin?
2- Baahida loo qabo dadkaa noocaan ahi ilaa intee ayay gaarsiisantahay?
3- Maxaa talo aad siin laheed farsamayaaqannadaan caafimaad?
Waxbaro!