Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on April 06, 2008, 02:37:14 AM

Title: Maxaa Sababa Cudurka Iskitsoofiriiniyada?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2008, 02:37:14 AM
Waxaa jira aragtiyo badan oo isku dayay inay sharaxaan iskitsoofiriiniya.

Sababta keenta lama yaqaano, laakiin waxyaabaha qaarkood ayaa la arkay inay dadka yeeshay iskitsoofiriiniya ay dadka kale kaga duwan yihiin: waxaa kuwaa ku jira:
• Waxaa laga yaabaa hab-dhiska maskaxda dadka qaba iskitsoofiriiniya aanay caadi ahayn.
• Isbeddelo ah qulqul dhiigga oo naqan oo ka dhaca qaybo gaar ah oo ah maskaxda.
• Moolikiyuulo kiimiko oo maskaxda ka dhambaal qabteyaal ayaa ku yar qaybahaa gaarka ah ee maskaxda.
• Meelaha dheecaanku ku jiro (lateral ventricles) maskaxda oo weynaaday.
• Marinada dareemeyeesha isgaarsiinta oo aan caadi ahayn qayb maskaxda ka tirsan.
• Waxaa jira marag-kac ah in dadka hidde ahaan nuqul uu waayaha daran iyo daroogooyinka balwad ahaan loo qaato sida xashiishta iyo kookayn ay ku kicin karaan iskitsoofiriiniya.
• Cilmi-baarista ayaa tilmaamaysa in cudurkan laga helo ama ay leeyihiin qoysaska qaarkood, laakiin halista in qofka ay ku dhacdo iskitsoofiriiniya, haddii qof qoyskiisa ahi qabo, way yar tahay.

1- Waa maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=935.0)
2- Maxaa calaamado ah ee lagu gartaa Iskitsoofiriiniyada? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=940.0)
3- Maxaa sababa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
4- Sidee loo baaraa cudurka Iskitsoofiriiniyada? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=952.0)
5- Sidee loo daaweeyaa cudurka Iskitsoofiriiniya? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=953.0)


wixii su'aal aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc
Title: Re: Maxaa Sababa Cudurka Iskitsoofiriiniyada?
Post by: Mahadgurey on April 27, 2008, 11:52:29 PM
Aad bad u mahadsantahay walaal sida wacan ee aad noogu faahfaahisay cudurkan (Schizophrenia).
waliba afsomali.
thnks alot bro.
Title: Re: Maxaa Sababa Cudurka Iskitsoofiriiniyada?
Post by: Yahya Ali on October 09, 2017, 11:36:20 PM
Thank you doctor