Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdalle111 on June 18, 2017, 07:57:52 AM

Title: Su'aal: Waaa maxay IRM SCANNER?
Post by: Abdalle111 on June 18, 2017, 07:57:52 AM
Asc dr RAMADAN MUBARAK  waxaaan la ii diray inaan isa soo saaro IRM SCANNER xanuun dhinaca midig igahaya oo la garan waayey dartiis markaa dr waa maxay IRM SCANNER? maxaase lagu eegaa? Intee in le eg lagu jiraaa gudihiisa? Jidhka oo dhan miyuu arkayaaa mise meelaha dhakhtarku uu rabo ee lagaa saaray oo kaliya ayuu arkaya?
Ma lafaha kaliya ayuu arkaaa mise ilaa murqaha iyo seedaha ama neerfaha???
Wax yeelose maxuu keenaa?

Mahadsanid  dr ramadaan mubarak
Title: Re: Su'aal: Waaa maxay IRM SCANNER?
Post by: SomaliDoc on March 14, 2018, 07:32:06 PM
IRM Scanner, waa isla MRI Scan, waxaa sidaa looga yaqaanaa faransiiska iyo dowladaha uu horay u gumeystay, MRI waxaa lagu ogaadaa lafaha, murqaha, seedaha, xididada, neerfaha iyo gudaha jirka intaba, meeshii uu dhakhtarka kaa saaray kaliya ayaa lagu fiiriyaa, waxayna ku xiran tahay qaabka laguu saaro, waxaana badanaa mashiinka gudihiisa lagu dhex jiraa 15 illaa 90 daqiiqo, waxayna ku xiran tahay waxa lagaa baarayo iyo qaabka laguu saarayo.