Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on March 19, 2018, 02:30:18 PM

Title: Su'aal: Dhiig dabada ka socdo?
Post by: Ashom on March 19, 2018, 02:30:18 PM
waxaa dabadeeyda kasocdo dhiig aad u guduudan.. xiliga saxarada  wax xanuun ahna iguma haayo lkn aad  iyo aad u uraa .  waxaana arkaa markaa saxaroonayo.
Title: Re: Su'aal: Dhiig dabada ka socdo?
Post by: SomaliDoc on December 17, 2018, 09:26:34 PM
Badanaa haddii dhiig fresh ah uu la socdo saxarada wuxuu ka yimid qeybta hoose ee marinka dheefshiidka.
waxyaabaha keena arintan waxaa ka mid ah baabasiirka isagoo ugu badan sababaha keeno dhiig fresh ah oo la socdo saxarada waxaana lagu ogaan karaa si sahlan haddii lagu wiisiteeyo.
Halkaan ka akhriso warbixin dhameestiran oo ku saabsan cudurka baabasiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html)

Midda kale waa inuu jiro dillaac futada ah kaasoo isagane lagu ogaan karo wiisitada oo la arki karo dildillaac yaryar oo ku sameysmay futada wuxuu uga duwanyahay baabasiirka inuu aad uga xanuun badanyahay, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan dildillaaca futada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2811.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2811.0.html)

Caabuq ku dhaca dahaarka saaran maroorka ayaa keeni kara saxarada oo dhiig soo raaco waxaa kaloo la jiri karo axalo ama walxo diif oo kale iyo malax taasoo tilmaamaysa in uu infakshan ku dhacay darbiga maroorka.

Caabuq ku dhaca xiidmaha waaweyn ayaa keeni kara dhiig saxarada la socdo, cudurradaas oo ugu horreyaan laba cudur oo loo kala yaqaanno: boogoobidda xiidmaha iyo bararidda xiidmaha. laakiin labadaan xaaladood waxaa badanaa la socdo shuban oo saxaro adag ma lahan waxayna ridaan miisaanka qofka haddii aan la daaweyn.
Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan labadaan cudur:
1- Boogoobidda xiidmaha "Ulcerative Collitis": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html)
2- Bararidda Xiidmaha "Corhn's disease": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html)

Waxyaabaha kale oo keeni karo dhibaatadaan saxaro-dhiigga waxaa ka mid ah: kaankarada ku dhacdo maroorka ama xiidmaha taasoo warbixin buuxka oo ku saabsan halkaan aad ka heli doontid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,418.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,418.0.html)

Baaritaannada loo baahanyahay in lagu kala sooco xanuunnadaan oo laga yaabo in taktarkaaga uu kuu diro waxaa ka mid ah: saxarada oo la baaro iyadoo laga fiirinayo gooryaan ama walxo kale iyo in la eego gudaha maroorka iyadoo la adeegsanayo qalab loogu tala galay "Sigmoidoscopy"

Haddii intaan cudur lagaa waayo waxaa dhici karo aad qabtid cudurka lurta leh ee xiidmaha "Irritable bowel syndrome" kaasoo keeni kara cilladaan inkastoo uusan ku badneyn in dhiig noocaan ah uu keeno, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html)

Waxaa muhiim ah in aad la xiriirto takhtar si laguu baaro loona ogaado xanuunkaaga, inkastoo iila egtahay xanuunka aad ka cabanayso in uu ka socdo dhibaato la xiriirto gidaarka maroorka maadaama dhigga uu dhinacyada uu saxarada kaga dhaganyahay uuna badanaa soo muuqdo markii saxaradu adagtahay, laakiin waxaan u baahantahay in aad takhtar la xiriirtid si loo hubiyo xanuunkaga lagaagana daaweeyo.