Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on April 09, 2016, 11:05:48 AM

Title: Su'aal: Maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha?
Post by: Diihaal Guuto on April 09, 2016, 11:05:48 AM
Asalaamu Caleykum dhakhtar.
ilaahay ajar iyo xasanaad hakasiiyo shaqadan laf-dhabarta ah ee aad bulshadaada u haysid.

Waxaan rabey Dr inaad faalo naga siisid aniga iyo bulshada kalaba Maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha.

Soomaali badan ayaa jecel aadna u isticmaala maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha ayagoo aamin san inuu faa'ido uleeyahay maraqaasi indhaha, Maskaxsa, iyo koritaanka qofka.

Dr mahadsaid
Title: Re: Su'aal: Maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 03:11:28 PM
Wax u gooni ah madaxa oo ka maqan qeybaha kale ee xoolaha la cuno khaasatan ariga lama sheegin.
Waxyaabaha aad tilmaantay qaar ka mid ah waa wax laga faa'ido cunista hilibka iyo cabidda maraqa ariga ee ma ahan wax u gaar ah madaxa.
Dadka qaar waxay aaminaan in xubintii ay cunaanba in xubinta ku aadan ee bini'aadanka inay wax u tarto, tusaale maraqa madaxa ariga waxaa la dhahaa aragga ayuu u fiican yahay iyo maskaxda, cunista xininyaha orgiga waxay u fiican yahay raganimada, waxyaabahaasi oo idil waa arrimo ay dadka iska dhaahiciyeen ee weli ma ahan wax hubaal ama cilmibaaris lagu arkay.

Ogow in arrimahaan aysan gaar u ehayn soomaalida qowmiyaat kale oo aaminsan way jiraan sidaasne u adeegsado.