Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on July 29, 2011, 09:51:27 AM

Title: Su'aal: Cadarka muxuu u geysan karaa maqaarka?
Post by: Nuur12 on July 29, 2011, 09:51:27 AM
waad salaamantihiin dhamaan dhaqaatiirta sharaftaleh ee webkan
iyo aqyaartuba waxaan qabaa suaal tan oo ah haad isticimaasho cadar oo aad isugu badiso muxuu u geysan ka raa maqaarka sida  alarjig cun cun qawed iwm maqaarka ma u  geeysan karaa maadaama uu yahay kiimico
 
 
 
 
 
 
WAAD MAHADSANTIHIIN
Title: Re: Su'aal: Cadarka muxuu u geysan karaa maqaarka?
Post by: SomaliDoc on July 29, 2011, 08:05:43 PM
Dadka qaar catarka waxay ku leeyihiin xasaasiyad oo haddii ay isticmaalaan way ku xajiimoodaan korkane wuu  bararaa, haddii aad isku aragtid calaamadahaas iska jooji isticmaalkiisa sidoo kale barafuunnada waa noocaas oo kale.

Laakin lama sheegin weli catar sidiisa xanuun gooni ah u keena maqaarka ama dhib kalaba.