Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on December 14, 2016, 10:53:28 PM

Title: Dhibaatooyinka Daawashada Filimaanta Jinsiga!
Post by: SomaliDoc on December 14, 2016, 10:53:28 PM
(http://somalidoc.com/Topics/JINSI.png)

Bismillah,

Wax walba uu Alle reebay faa'ido ayaa ugu jirto bini'aadanka inay ka haraan ha ogaadaan ama yaysan ogaan.

Daawashada filimaanta jinsiga waa dhibaato dunida ku baahday, waxayna dhibaato wayn ku haysaa diintaada, caafimaadkaaga iyo noloshaada guud, waxayna u horseedaa duminta qoyska.

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa warbixinno laga soo aruuriyay cilmibaarisyo kala duwan oo sheegay in daawashada filimaanta jinsiga ay isbadallo kala duwan ku sameeyaan maskaxda bini'aadanka, dhibaatooyin badanne u horseedaan:


Dhibaatadaan waa mid hadda dunida si aad ah ugu faaftay, waxayna ka soo bilaabatay wadamada reer galbeedka, waxaana meelaha qaar ka jiro xarumo lagu daaweeyo ku "walfidda daawashada filimaanta jinsiga" loona yaqaano "P0RN addiction", meelaha qaar waxaa ka furan xarumo latalin ah oo lagu badbaadinayo qoysaska uu kala fogeeyay daawashada jinsiga.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa oo intaan oo dhibaato ah looga badbaadi karaa in qofka Alle ku xirnaado, kana fogaado wixii laga reebay isagoo aan ka fiirin dhinac caafimaad kaliya. Mahadsanidiin.

Wixii faafaahin ama su'aalo ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)