Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gedi20 on February 05, 2012, 12:13:19 AM

Title: Su'aal: Suura kal ma tahey in baaris laku ogaan karo sanadka aan jiro (age )?
Post by: Gedi20 on February 05, 2012, 12:13:19 AM
ASC marka hore wan idin salaamayaa dhaman dhakhaatiirta isu howlay isdii ay u caawin lahaayeen walaalahood.

waxan dhakhaatiirta weydiinayaa in aay suur kal tahey in baaris laku ogaan karo sanadka aan jiro( age ), iyadoo neecaan laka khadeyo lafaha ama meel kale o jirka ka mid ah,waxa aan rabaa in aan ogaado sanadka aan jiro oo sax ah .

Thanks Somalidoc 4 ever.
Title: Re: Su'aal: Suura kal ma tahey in baaris laku ogaan karo sanadka aan jiro (age )?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 02:47:40 PM
(http://somalidoc.com/Topics/da'da.png)

Waxaa jiro dhowr baaritaan lagu sameeyo qofka si loo hubiyo da'diisa inkastoo ay dhici karto qalad qiyaasta ka dhasho oo u dhaxayn karo 5 illaa 9 sano.

Waxyaabaha la fiiriyo si loo qiyaaso da'da qofka waxaa ka mid ah:
1- Xubnaha taranka
2- Korriinka carjawda gacanta iyo kalxanta
3- Korriinka ilkaha
4- Korriinka lafaha

Waxaa dhawaantaan la ogaaday in jirka uu jiro protein loo yaqaanno P16 oo lagu xadidi karo da'da qofka kaasoo isaga laftirkiisa aanan la sheegi karin inta saxda ah oo uu qofka jiro, laakiin ka qiyaas dhaw baaritaanadii hore ee lagu samayn jiray lafaha iyo ilkaha.

Marka si loo qiyaaso qofka da'diisa waxyaabahaas oo dhan ayaa la isku biirsadaa waxaana ugu horreeyo muuqaalka qofka.

Ugu dhambayn ma jiro baaritaan la oran karo qofka da'diisa oo saxda ah oo aan qiyaas ahayn sheegayo ayaa jiro.

Akhriso Sidee loo baaraa dhiiga dhalmada ama DNA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2148.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2148.0.html)

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)