Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on March 18, 2011, 02:18:59 AM

Title: SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?
Post by: GEEDOOW on March 18, 2011, 02:18:59 AM
 HADII KAADIDA LABAARO OO LAGA HELO BOROOTIIN , MACNAHEEDU MUXUU YAHAY ?
Title: Re: SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?
Post by: SomaliDoc on March 20, 2011, 07:22:26 PM
Borotiin laga helo kaadida waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Proteinuria".
Proteinuria waxay u dhacdaa sadax dariiqadood:
1- In qeybta filtraynta u qaabilsan kilyaha in uu cudur ku dhaco kadibna borotiinka la shaqshaqi waayo kadibna kaadida ka soo muuqdo
2- In borotiinka uu ku bato dhiigga taasoo keensanaysa in jirka laga saaro taasoo loo yaqaanno "Overflow Proteinuria"
3- In Tubooyinka wax dhuuqa kilyaha aysan safiican u shaqaynaynin cudur dartiis.

Cudurrada ku dhaco kilyaha badankood oo aan la soo koobi karin waxay keenaa borotiin ka soo muuqdo kaadida.
Fuuq-baxa, gubashada, qandhada iyo welwelka waxay borotiinka ku badiyaan kaadida.
Sumoowga (Eclampsia) wuxuu keenaa borotiinka oo kaadida ku bato.
Infekshanka kilyaha iyo kaadi-mareenkane way keenaan borotiinka kaadida ku badan.
Dhiig-karka iyo kaadi-macaanka iyagane way keenaan.

Baaritaanka borotiinka kaadida waxuu u sheegaa qaabkaan:
# Aad u yar = 5-20 mg/dL
# 1+ = 30 mg/dL
# 2+ = 100 mg/dL
# 3+ = 300 mg/dL
# 4+ = Ka badan 2000 mg/dL
Title: Re: SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?
Post by: Abdiselamhaji on June 20, 2016, 12:55:22 PM
Diktoore adoo mahadsan isbitaalba maalin dhawayd igu dhahay kaadidaada baa protein  lasocdaa. Marka diktoore cudurkaan maka tarjumaya in dhiig kar soo socdo, ama macaan, waxaana isku arkaa neef yari Mar Mar naqaska igu dhago hamenki markan hawa yari dareemo. Daawo baabi'isa maleeyahay cudurkaan kaadida proteinku lasocdo. Waxan kalo isku wareega qaska oo I xanuuna iyo tabar yari.
Mahdin
Title: Re: SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?
Post by: SomaliDoc on July 16, 2016, 02:22:50 PM
Waa in dhiig-kar iyo macaan uu jiray ka hor inta aanan borotiinka kaadida lagu arkin.
Sababtoo ah borotiinka wuxuu ka tarjumayaa in cillad ay jirto kilyaha wax gaarsiisay, marka haddii aadan dhiigkar iyo sokor horay u qabin, lagaana baaray, ma noqon karto wax soo socdo ee xanuuno kale waa in la baaraa.
Title: Re: SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?
Post by: Abdiselamhaji on July 17, 2016, 10:25:36 AM
Dictoore dhiig kar majiro iyo sokorba dhaqtar kalaan tagay kaadida protein kujiro ekfashan siyaaadaa bay matimid buu dhahay hadana calaamadihii ekfashin ka way yaraadeen xoogaa Mar Mar qas xanuuna maahine
Title: Re: SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?
Post by: SomaliDoc on September 04, 2016, 07:57:39 PM
Laakiin infekshankaas waa inuu siyaado noqdo markuu keenayo cillada borotiinka kaadida, heer uu saameeyay shabaqa kilyaha ee wasakhda lagu filtareeyo.
Title: Re: SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on October 12, 2017, 01:29:03 PM
Doc, salan kadib, maxa lagu yareeya ama sidee u ciribtiri kaadida proteinka leh, waayo malihi  dhigkar, sokorow, iyo xanun xaga keliayah balse test aan hadda sameeya aya waxa ii muuqda in uu jiro proteinuria ilaa heerka 30 ama 100 sidee ula tacali karaa ? waan soo akhristay casharka ka hadlayo proteinuria .
FG: Doc waxan qabaa infection lkn ma badna yacni very serious mahan.
maxa istacmaala daawo ahan