Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abucabdi on March 04, 2017, 01:07:05 PM

Title: Su'aal: Lalabo cuntada basasha cerin leh?
Post by: Abucabdi on March 04, 2017, 01:07:05 PM
Asc dr.
Waxan qaba su aal ah marka aan cunto ay ku jirto basal ceeriin aan cuno waxan darema lalabo saaid ah oo aan ku sigto inaan matago hadan sidoo kale ku qadeyo ama marka aan qadeeyo aan cabo sharabka cambaha lashiday ee dabiciga ah sido kale waxan daremaya lalabo waana matagayaa .
Arintas wan fahmi . Xirir mala yelan karta bacteriada gask h pylori  oo hada kahor layga helay . Maxanse kula tacali karaa ciladas
Mahadsnid
Title: Re: Su'aal: Lalabo cuntada basasha cerin leh?
Post by: SomaliDoc on June 07, 2017, 11:27:04 AM
In cunnooyinka qaar aad ku matagtid ama ku lalabootid waxay daliil u tahay in cillad dheefshiid xumo ay jirto, waxyaabaha keeni karane waxaa ka mid ah bakteeriyada H. Pylori iyo jeermisyada kale ee ku dhaca caloosha iyo mindhicirrada.

Waxaan kugula talin lahaa in saxarada iska baartid si jeermisyadaas looga fiiriyo.