Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaqiya Hamud on March 09, 2019, 09:44:15 AM

Title: Su'aal: Kaadihaysta oo booskeeda ka soo baxday?
Post by: Raaqiya Hamud on March 09, 2019, 09:44:15 AM
Asc dhamaan dhaqaatiirta soomaaliyeed oo halkaan ummada uga faaiideeya waxaan qabaa su'aal maalmahaan waxaa kusoo badatey magalada ku noolahay xanuun horey noogu badnayn oo dumarka kusoo batey oo ah kaadihaysta oo booskeedii kasoo tagtey markay dhasho ka dib culays iyo cadaadis bay dareemaysaa hooyo markay dhasho ka dib ama maalmo badan ka dib qaybtood waxay leeyihiin waxba banaanka farjiga usoo baxaya maalmaha u horeysa dhalmada weliba markay saxarooneyso hooyadu hadhawna cadaadis iyo xanuun bay dareemaysaa marka dhaqtar bal nala wadaag haday jiraan casharo aad ka diyaarisey iyo aqoontaada Caafimaad ee ka qabto xanuunkaas qaybta su'aalaha waanka waayey ee Cdurada Haweenka.

MAHADSANID
Title: Re: Su'aal: Kaadihaysta oo booskeeda ka soo baxday?
Post by: SomaliDoc on December 22, 2019, 12:33:44 PM
Kaadiheys booskeeda ka soo tagtay ama kasoo sikatay ma jirto, waxa soo kuusan oo hooyooyinka dareemaan markay kaadida iska dhaqaayaan weliba xilliga umusha ay ku jiraan waa minka afkiisa oo soo dhawaaday, waana arrin badanaa dumarka isku arkaan xilliga umusha, waana dabiici oo halkiisii ayuu ku laabtaa maadaama foosha darteed ay soo dhawaysay...