Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umumajid9 on July 08, 2018, 10:42:03 PM

Title: Su'aal: Cirbada dhasha kala fogaysa?
Post by: Umumajid9 on July 08, 2018, 10:42:03 PM
Asc doctor waan ku salamaya walan ka din waxan raba in aan suaal ku waydiiyo waxan wayday irbada dhasha kala tagaysa implant miso 3 sana ayan igu jirtay hada ayaan iska saray malinkan iska 3 cisho la dib ayaan odayga kulanay malinki ku xigayna nayahe iyo yalaalugo ayaan isku arkay waliba isma baarin ee Dr uur hal habeen  kaliya ma lagu qaadi karaa mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Cirbada dhasha kala fogaysa?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2019, 10:11:59 PM
Hal kulan waad ku qaadi kartaa uur, laakiin hal maalin gudihiisa ma dareemi kartid astaamaha uurka, laakiin badanaa markii la joojiyo isticmaalka daawooyinka dhasha kala fogayso, wuxuu jirka isku dayaa inuu hormoonadii ku soo celiyo heerarkoodii dabiiciga ah, qofkane wuxuu dareemi kartaa astaamo ay ka mid yihiin yalaalugo / lalabo.