Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Drkheyre on June 17, 2011, 10:07:22 PM

Title: Caruur Shuban biyood ugu geeriyootay degmada Hobyo
Post by: Drkheyre on June 17, 2011, 10:07:22 PM
Caruur Shuban biyood ugu geeriyootay degmada Hobyo

Xigasho: Radiomoqdishu.net


In ka badan 5 Caruur ah ayaa cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyootay tuulooyin hoostaga Degmada Hobyo ee gobolka Mudug,  iyadoo maamulka degmadaasina uu ka deyriyay xaaladda caafimaad ee dadka ku nool degmada Hobyo.

Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee G/Mudug ayaa sheegaya in deegaanno hoos yimaada degmadaasi uu ka dillaacay cudurka Shubanbiyoodka, iyadoo ay sii kordheeyso caruurta u geeriyootay cudurkaasi.

Maamulka degmadaasi ayaa sheegay in Todobo caruur ah ay maalmuhii ugu danbeeyay u geeriyoodeen cudurkaasi, mana jirto ayuu yiri wax Dawo ah oo la gaarsiiyay dadkaasi, marka laga reebo Dawo aan sidaa u badneyn oo uu halkaasi gaarsiiyay maamulka Galmudug.

Maamulka Degmada Hobyo ayaa ugu baaqay in gurmad lala soo gaaaro si loo badbaadiyo nolosha caruurta Soomaaliyeed ee uu soo ridanayo cudurkaasi

Cudurka Shubanka, Jadeecada iyo cudurada kale ee ka dhasha nafaqo darida ayaa caruur farabadan sanadkiiba ugu geeriyoodaan, sida ay sheegayaan Dhaqaatiirka Soomaaliyeed ee ka howlgalla dalkeena,