Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on November 14, 2011, 10:09:57 PM

Title: Su'aal: Marka Ay Xaasku Qabto Infection, Ma U Gudbin Kartaa Ninkeeda?
Post by: CilmiSabca on November 14, 2011, 10:09:57 PM
Asc. Bacda Salaam.
Dhakhtar, waxaan rabaa in aad inoo sheegtid in ay u gudbineyso Xaasku Ninka, marka haweeneyda uu qabo ee Xaaskiisaa ah uu dhaco Infection-ka ku dhasha xubnaha taranka ee keena xanuunada ay ka midka yihiin; Kelya xanuunka, dhabar xanuunka, afka Siilka oo caabuq yeesha, kaadida oo gubta iyo dhiigga Caadada oo is bedbedala IWM. Haddii ay Xaasku Kaadi iska soo baadho ee ay daawada loo soo qoray qaadato, ninkana uusan is baadhin, daawana uu san qaadanin, isagu ma u gudbinayaa Infection-ka? (ragga qaarkood ma uu hayo xanuunada ay Xaasasku qabaan). Sidoo kale, Xaaska oo daawooyinka Infection-nada qaadaneysa, Ninku ma u galmoon karaa? Marka Dhakhtar, fadlan inoo faahfaahi arrintan. Waadna mahadsan tahay.
Title: Re: Su'aal: Marka Ay Xaasku Qabto Infection, Ma U Gudbin Kartaa Ninkeeda?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 09:50:52 PM
Lamaanaha kii qaba infection kan kale wuu u gudibyaa, siyaasadda daawayntuna waa hadduu mid la daaweeyo in kan kalane lala daaweeyo oo hal mar iskula tagaan takhtarka, laakiin haddii qof la hor daaweeyo qofka kale uu gadaal daawada ka qaato waxaa laga yaabaa in infectionkii uu jiro weli uuna si sahlan uga dhax bixin labadooda kadibne daawada ay adkeysiimo u yeeshaa oo ay wax ka tari wayso.

Infekshan inuu ku hayo macnaheeda maahan in calaamadu ay kaa muuqdaan, badanaa cudurrada infekshanka lama arko calaamadahooda oo qofka wuu qabi karaa.

Faahfaahin dheeraad ah ku noqo qoraalladii aan uga sheekeynay infectionka iyo nuucyadiisa iyo sida loo daaweeyaba, khaas ahaan kuwa glamada lagu kala qaado.