Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xasany on December 19, 2016, 01:04:58 AM

Title: Su'aal: Waa maxay cudurka la dhaho Dabdhul?
Post by: Xasany on December 19, 2016, 01:04:58 AM
Assalaamu calaykum Waraxmatullaahi
Salaan kadib waxaan umahad celinayaa dhaqaatiirta soomaaliyeed ee howshaan samafalnimo isku xilsaartay waxaa iga xanuunsanayo Hooyadeey allaha iicaafiyee waxeyna iisheegtay cudur ladhoho dabdhul inuu haayo waxaa ey idhahday waxaan dareemayaa inuu maqaarka iga gubanaayo Biyo ayaa gelaayo xafafna waan dareemayaa iyo kuleyl dhaqtar utag ayaan dhahay anigana lama joogo waxeyna idhahday qalajiye ayaan cunay wax yarna waan fiicanahay hadda dhaqtar uma baahna dabdhulku
dabdhul muxuu yahay? daawo maleedayay? qalajiyahaasi amuu wax udhimayaa?
2 waxaan qabaa aniga gaastarig waana aqristay qoraalka kore 2 jeer ayaan iska baaray gaastariiga waxaana leydhahay Helicopacter ayaad qabtaa labada jeer laba dhaqtar oo kala gooni ah ayaa ibaaray waxeyna u isticmaaleen baaritaanka meel afuuf la idhahay 30 daqiiqo kadibna waxey isiiyeen wax qaraar ah hadana afuuf ayaa la idhahay tubada kadibna daawo 10 maalin soconeyso ayoow iiqoray dhaqtarki oo 5 maalin 4 daawo kala nuuc ah iyo 5 maalin 5 daawo kala nuuc oo kale markaan dhameystay 15 maalin kadib baaritaanki ayaa leygu celiyay waxoowna idhahay waad kacaafimaaday 4 sano kadib ayaan dareemay haddana dhaqtar kale ayaan utegay baaritaanki hore mid lamid ah ayoow iidiray waxoowna iiqoray 2daawo oo kala nuuc ah waxaana kamid ahaa Amoxicillin hadda waxaa laga joogaa 2sano waxyar ayaan dareemaa marmar talo maxaad isiin laheyn adoo mahadsan assalaamu calaykum waraxmatullaahi
Title: Re: Su'aal: Waa maxay cudurka la dhaho Dabdhul?
Post by: SomaliDoc on February 23, 2017, 02:36:01 PM
Xanuunka ay maamada u taqaano dabdhulka, waxay u badan tahay caabuqa loo yaqaano "Impetigo", halkaan ka akhriso warbixin ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1006.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1006.0.html)

Midda ku saaabsan gaaska bakteeriyada keento ee "H.Pylori", waa bakteeriya la kala qaado, hadduu jiro qof aad isla nooshihiin in isagane laga baaro way fiican tahay maadaama ay kugu soo laalaabatay.
Waxyaabaha bakteeriyada la dagaallami karo waxaa ka mid ah toonta in aad cunanda ku darsatid si aysan bakteeriyada fursad u helin in ay taranto oo hadhow dhib kuu gaysato, haddii aad daawatid casharkii 2-aad ee gaaska ku saabsanaa waan ka hadalnay siyaabaha dabiiciga ee bakteeriyada kula dagaallami kartid.