Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Runka Hadal on May 12, 2015, 08:46:50 PM

Title: Su'aal: Maxaa sababay in biyahayga gadaal u noqdaan?
Post by: Runka Hadal on May 12, 2015, 08:46:50 PM
asc bahda somali medical aad yaan idiin ku hanbalyaynayaa  hawsha wacan aad dadka u haysaan waxan idin waydiinayaa ku saabsan dhanka galmada,
walaal waxan ahay wiil 24 jir ah waxan guursaday gabadh mudo bil ah ayaan is qabnay hada mrakaa wakhtikasta aan isu galmoono biyahaygu debeda ay usoo noqonayaan markaa aan galmada dhamaysano ayay dib usoo noqonayaan markaa maxaa sababay .. midakale  marhadii biyihiiba debeda usoo noqonayaan miyay  uur qaadi kartaa, iga jaahil saara .

waad mahadsan tihiin
Title: Re: Su'aal: Maxaa sababay in biyahayga gadaal u noqdaan?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2015, 05:41:20 PM
Biyaha oo gadaal u laabto waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Retrograde Ejaculation" oo waxaa laga wadaa markuu qofka biyo-baxo biyaha meeshii horay u soo bixi lahaayeen gadaal ayay ugu laabtaan kaadi-heysta laakiin dabada ma aadaan sida aad moodid.

Dadka way ku kala duwan yihin, qaar biyaha oo idil ayaa laabto oo wax biyo ah kama imaadaan, qaarna wax yar ayaa ka yimaado.

Inkastoo dhib aysan qofka u keenayn, laakiin madhalaysnimo ayay ragga u keentaa, ahmiyaadda daaweyntuna waa in awoodda uureynta qofka ragga u soo noqoto.

In biyaha kaadiheysta ku laabatay waxaa lagu fahmaa markuu qofka kaadiyo galmada ka dib wuxuu arkayaa kaadi calow ama boorboor leh ama caano la barxay u eg.

Cillada waxay tahay in muruqa kaadiheysta afkiisa ku yaallo oo la rabay inuu kaadiheysta giijiyo si ay u xeranto oo biyaha in ay gadaal u soo laabtaan ka hortagi lahaa ayaa dabacsan, sidaa darteed cadaadiska awgiis gadaal ayaa u sahlan inay u laabtaan.

Waxyaabaha keeni karo in cillad muruqaan ay gaarto waxaa ka mid ah dhowr shay oo kala ah:
1- Haddii hadda ka hor qalliin kaadi heysta lagaaga sameeyay ama qanjirka ragga lagaa qalay.
2- Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadato, waxaa jiro daawooyinka qaar in ay saameeyaan muruqa kaadiheysta.
3- Haddii dhaawac kaa gaaray neerfaha kontoroola muruqa kaadiheysta ama xanuun neerfaha saameeyo aad qabtid sida sonkorowga oo kale.
4- Haddii dhabarka ma xangullaha jug kaa gaartay.

Fadlan la xiriir takhtar ku taqasusay qalliimada kaadi mareenka ee loo yaqaanno "Urologist" wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno lagu ogaanayo xanuunkaan heerka uu gaarsiisan yahay, haddii aad u baahan tahay daawooyin ama qalliin aan laga maarmaynin.

Ogow, haddii ay jirto awood wax uureyn, biyaha oo gadaal u laabto dhib weyn ma lahan, waana la iska daayaa, lama qalo.

Caafimaad aan kuu rajaynayaa.
Title: Su'aal: Biyahii aan ku shubay gabadha ay soo celinaysaa?
Post by: Runka Hadal on May 17, 2015, 08:48:01 PM
asc dhamaan dhakhaatiirta waxan hore usoo waydiiyay suaal.  lkn waxad moodaa inaan dhakhaatiirtu ifahmin ujeedada su aashayda.  suaashaydu waxay tahay markaan isu galmoono gabadhayda ee aan dhamaysano galmadii ee biyo baxno ayaa biyihii aan ku shubay gabadha ay soo celinaysaa oo markaan bahalkayga kasaaro ayay gabadha biyahaygii kasoo qubanayaan markaa maadaama ay biyihii aan gabadha ku shubay ka soo qubanayaan oo aanay ku nagaanayn sidee uur uqaadi kartaa ...  waa taa suaashaydu.  mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Biyahii aan ku shubay gabadha ay soo celinaysaa?
Post by: SomaliDoc on May 23, 2015, 05:03:23 PM
Biyaha oo dib u soo daata markii aad haweentaada ku biyo-baxdid waa arrin dabiici ah, wax dhib ahne ma keento waxaa laga yaabaa in biyaha  ay badan yihiin.

Xiriirne lama lahan uur qaadis la'aanta, maxaa yeelay waxa uurka keeno ama bacrimiyo ugxanta waa  wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin, halkii 1ml oo biyaha shahwada waxaa ku jirto 60 million illaa 120 million oo unug, hal ka mid ah intaas ayaa ku filan in haweentu uur qaaddo, marka haka walwalin arintaas.

Waxaa intaa sii dheer, waxaa aadka u yar oo aan la arki karin waa wax nool oo soconayo oo weliba ordi karo oo raadinayo ugxanta, ilaahay ayaa ku abuuray inuu raadiyo ugxanta si uu u bacrimiyo, ma ahan wax juhdigaaga iyo dadaalkaaga ku xiran.