Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed Coof on December 01, 2011, 12:30:47 AM

Title: Su'aal: Idiinyada, Diraha, Shoqosha iyo Dirxi Caanoodka?
Post by: Ahmed Coof on December 01, 2011, 12:30:47 AM
Marka hore waxaan salaamayaa Dhakhaatiirta, halkan u furay si ay dadka u caawiyaan waad mahadsantihiin. hadaan su'aashayda u soo noqdo waxaan isku arkay wax sidii dirxi caanoodka ah oo kale . waxaan marmar dareemi jirey in wax sidii dirxiga oo kale ah ka dhaqdhaqaaqayo dabada kaasoo markaa aad ii diba waayo waa wax dhaqdhaqaaqaya, imikase waa igu soo badanayaa oo markaan wax cunoba waan dareemayaa markaa waxaan jeclaan lahaa inaad ii sheegtaan waxaan sameeyo welina dhakhtar maaan u tegin
WAAD MAHADSANTIHIIN
Title: Su'aal: Idiinyada, Diraha, Shoqosha ama Dirxi Caanoodka?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2011, 10:25:42 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dirxiga.png)

Xaaladdaan caafmaad ahaan waxaa keeno gooryaanka nooca loo yaqaano "Pinworm", qofka wuxuu dareemaa wax cad cad oo saxarada la socdo, cuncun dabada ah iyo calool xanuun iyo lalabo marmarka qaar.

Waa maxay gooryaanka "Pinworm"?
Pinworms waa dirxi yar oo dadka ku jira kuna nool xiidmaha hoose. Dirxiga dhidiga habeenkii ayuu soo baxaa oo ukuntiisa ku daadiyaa futada hareeraheeda. Gooryaankani wuxu caan ku yahay caruurta oo si sahlan uu ugu faafi karaa xubnaha kale ee qoyska.

Waa maxay calaamadaha gooryaanku?
Dadka qaarkood oo qaba gooraaynku ma lahan calaamado, qaarna waxay leeyihiin cuncun futada iyo siilka hareerihiisa.

Intee ayey gaarsiisan tahay ba’naanta gooryaankaan?
Gooryaankani ma aha halis ee wuxu leeyahay dhibsi.

Siduu qofku u qaadi karaa gooryaanka?
Markay dadku xoqdaan xagga danbe ee cuncunaysa, ukunta yaryar ee gooryaanka ayaa soo raaca faraha ama cidiyaha hoosteeda. Dadkaasi waxa laga yaabaa inay qof cuntadiisa ama afkiisa faraha la galaan oo sidaas ukunta lagu liqo. Markuu gaadho xiidmaha, wuxu noqonayaa dirxi. Gooryaanku waxa kale oo uu ka faafi karaa gogosha iyo dharka. Qofka lnaftiisa wuu isqaadsiin karaa markuu liqo ukunta ku jira gacmihiisa.

Intee in le’eg ayey ku qaadataa inuu qofku qaado gooryaan kadib marka uu qofka la kulmo?
Calaamadaha waxa la arkaa 2 toddobaad ilaa 2 bilood kadib liqitaanka ukunta.

Goorma ayaa qofka qaba gooryaan uu cid qaadsiin karaa?
Qofka waa laga qaadi kara inta dirixiga dhidig ukun ku daadinayo hareeraha futada qofka.

Sideen u gargaari karaa kahortaga faafitaanka gooryaanku?

Maxay tahay daawada gooryaanku?
Waxa jira daawooyin laga heli karo farmashiiyaha iyo ku takhtar qoro oo bi'iya gooryaanka. La hadal takhtarkaaga si uu u fiiriyo daawada ku habboon qoyskaaga. Marmar kareemyo bi'iso cuncunka ayaa lagu siin karaa.

Akhriso Cudurka Jaarda Laambiyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaadka qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)