Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on December 05, 2011, 11:47:14 AM

Title: Su'aal: Cayayaanada Boodada IWM Cudurro miyey keenaan?
Post by: CilmiSabca on December 05, 2011, 11:47:14 AM
Asc walaalayaal, salaan ka dib.
Dhakhtar, waxaan rabaa in aan ku weydiiyo cayayaanada dul ku noolayaasha ah sida: boodada, dhilqaha, shilinta IWM ah in ay dadka u keenaan cudurro iyo in kale? Waxaanu ognahay in ay cayayaanadaan ka yimaadaan laba meelood oo kala ah:
b. Dusha xayawaanada gaar ahaan xoolaha sida Ariga (shilinta & boodada), Digaagga (boodada & huunyada), Bisadaha (boodo & wax kale injir kd=ku dar.)
t. Nadaafada oo xun (dilqe, injir, caaro caaro, barambaro, jiir {dooli} IWM kd).
Waxaan kaloo ognahay ama naqaan sida loo laayo cayayaanadaan, tus;- in sun lagu buufiyo ama mid mid walax loogu laayo, ama biyo kulul lagu shubo IWM kd.
Haddaba, Dhakhtar, waxaynan garaneyn cudurrada ay keenaan bahal hoosaadyadaan oo inta badan aan la fahmin marka ay jiro timaado waxa keenay. Dhakhtar, fadlan xasharaadyadaan inay keenaan cudurro iyo in kale maxaa ka jira? Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Cayayaanada Boodada IWM Cudurro miyey keenaan?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2011, 10:07:53 PM
Cayayaannada kala duwan ee aad ka hadashay waa nooc ka mid ah waxyaabaha keena cudurrada la is qaadsiiyo sida: Shilinta (Ticks), Boodada ama caarada (Mites), Dhiqlaha ama kutaanta (Bugs), Injirta (Lice) iyo Huunyada ama tagfida (Fleas).
Waa cilmi gooni ah oo la barto mana ahan wax halkaan lagu soo koobi karo mid walbo cudurrada kala duwan ay keenaan iyo sida loo daaweeyaba, laakiin waxaan isku dayaynaa soona dhawaynaynaa qof walba oo si habaysan oo fudud qoraallo wacyi galin nooga soo diyaariyo.

Tusaale ahaan, shilinta waxay keentaa dhowr cudur oo ay ka mid yihiin:
1- Lyme disease: cudurka ku dhaca maqaarka, lafaha iyo neerfaha oo wato qandho, daal iyo ifilo oo kale waxaana lagu daaweeyaa antibayootik.
2- Rocky Mountain Spotted Fever: Cudur murqaha iyo maskaxda ku dhaco waxaana lagu daaweeyaa antibaayootik.
3- Ehrlichiosis anaplasmosis: waa cudur laatiin ameeriko u badan.
4- relapsing fever: cudur wato qandho siyaad ah, madax xanuun, murqo xanuun, lafo xanuun, qufan iyo firiiric maqaarka ka soo yaaco.
Iyo illaa 8 cudur oo kale oo kala duwan qaarkoodna ay yihiin kuwa halis ah oo qofka u dhiman karo ama u naafoobi karo.

Tusaale ahaan, boodada waxay keentaa xanuun laga qaado qaniinyadeeda oo loo yaqaano "demodicosis" kaasoo jirka barar, cuncun iyo xididada oo soo bararo ayaa lagu arkaa.

Tusaale ahaan huunyada waxay gudbisaa xanuunka daacuunka iyadoo doolliyada iyo bini'aadanka u kala gudbiso.

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo qor halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)