Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on December 29, 2015, 11:54:18 PM

Title: Su'aal: ku saabsan, Dalqo ama hilib-qaldo
Post by: Barkhat on December 29, 2015, 11:54:18 PM
Diktoor bacda salaan waxaan su'aal kaa waydiinayaa qaladkan soomaalidu ka fahansan tahay qof la qufacaya hargab, ama xoqado (quman xanuun) amaba la qufacaya allargic, amaba dee tiibayba hayso (tb)  ee la odhanayo xubintaa dhanxanga dambe kasoo lulata (hilib-dalqada) ayuu la qufacayaa oo waanu ka jaraynaa si qufacu uga ba'o ama uga tago, sababtana waxaan filayaa in ay tahay marka qofka hargab hayo ama kix ama xoqado hayaan ee qufacu ku bato in dhuuntuba wada casaato ama midabkeedu is wada bedelo iyadoo dalqadaasina uun ka mid tahay dhuuntaa qufaca isla bedeshay.

Hadaba suaashaydu waxa weeye beryahanba waxaan arkayay dhakhtaro badan oo khibrad badana leh oo igu yidhi; xubintani waxay la shaqaysaa oo caawisaa xubnaha cuntada iyo neefta kala haga ee kala ilaaliya sida epiglotes-ka iwm ah. waxayna yidhaahdaan qofkasta oo aad looga wada jaray xubintaasi wuu kasii saxasho badan yahay qofka aan laga jarin.
haddaba diktoor adiguna taa sidaad u aragtaa in xubintani la shaqayso xubnahaa kale ee hawlahaa qaabilsan maadaama oo ay soo laalaado oo aynaan hubin sida ay noqoto marka aynu wax cabayno ama neefsanayno ama aynu hadlayno amaba aynu afkaba isku hayno?..
Title: Re: Su'aal: ku saabsan, Dalqo ama hilib-qaldo
Post by: SomaliDoc on January 14, 2016, 02:35:41 PM
Howsha ay dalqadu qabato waa qiyaas iyo malo ee ma ahan wax cilmibaaris ku dhisan, taas ayaana keentay in la isku waafaqi waayo.
Haddii ay dhakhaatiirteena ay cilmibaaris daabacan ay ku lifaaqaan waxyaabaha ay qabato, way kaga khibrad badnaan karaan dhakhaatiirta kale maadaama wadankeena aad loogu jaro dalqada, wixii isbadal dhacay qalliinka ka dib iyo la diraaseeyo dadkaas way noo sahlan tahay.
Hadduu jiro arday maadada qalliinka xiiseynaya oo rabo inuu diraasad sameeyo waa topic qiimo leh.
Title: Re: Su'aal: ku saabsan, Dalqo ama hilib-qaldo
Post by: Barkhat on January 22, 2016, 09:44:37 AM
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay dr.
walal waxaan ku leeyaay jazaakalaahu khayr.