Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Siman99 on July 12, 2015, 10:33:40 PM

Title: Su'aal: maxaa keeno cudurka indho xanunka jogtada ah?
Post by: Siman99 on July 12, 2015, 10:33:40 PM
aad ayaa u mahadsnthy doctor mahadcelin kadib maxaakeeno cudurka indho xanunka jogtada ah markasto oo indhaha ku xanunan Cuncun badan aqriski oo u Jedin marmarka qar?  jawaba niga suga insha allah
Title: Re: Su'aal: maxaa keeno cudurka indho xanunka jogtada ah?
Post by: SomaliDoc on July 13, 2015, 04:53:45 PM
Cuncun iyo indho xanuun joogto ah, oo aad dhibsanaysid dabeesha iyo qoraxda.
Aragga oo caad kaa fuulo marmarka qaar oo aadan safiican wax u arki karin.
Indhaha oo gaduuto markii ay ku cuncunaan ama barar baararka hoostooda ah.

Intaas koraba waxay calaamad u tahay daafka xajiinta ah "Allergic Conjunctivitis", halkaan ka akhriso jawaab aan ka bixinay su'aal tan la mid ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5764.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5764.0.html)