Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on October 23, 2011, 06:35:35 PM

Title: Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?
Post by: CilmiSabca on October 23, 2011, 06:35:35 PM
Asc Dhakhtarada & Aqyaarta webka. Intaa ka dib.
Shaaha (Tea) ma daawaa?
Shaaha oo la sheego in uu daawo ka hor tagta u yahay qaar ka mid ah noocyada cudurka kaankarada (kankarka=cancer) iyo wadna xanuunka (heart attack) maxaa ka jira?
Waxa kale oo jirtay in la odhan jiray shaahu wuxuu lid ku yahay maado jirka ku jirta oo dheecaanka jirka nuugta sida ayroon (iron), oo uu jirka qofkana qalajiyo, taasi maxay tahay? Maadooyinka caleenta shaaha waa noocee waase immisa nooc? Cabida shaaha aan caddeyska aheyn (tea without milk) ee xiliyada habeenkii la cabo, ma keenayaa in uu-san qofku habeenkaas seexanin ama uu xoogaa hurdada ka raago?
Shaaha Faa'iido caafimaad & faa'iido la'aan caafimaad, waa maxay?
Thanks to every1.
Title: Re: Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?
Post by: SomaliDoc on October 31, 2011, 08:19:23 PM
Shaaha waa afar nooc waxaana lagu kala magaabaa midabkiisa, waxaa ira green tea, black tea, white tea & oolong tea.

Waxaa illaa iyo hadda la isku waafaqsanyahay in green tea uu yahay shaaha ugu caafimaad badan shaahyada mana ahan midka ay soomaalida cabto.

Soomaalida waxay cabtaa black tea kaasoo isaga xitaa aan faaido la'aan ahayn inkastoo laga faaido badan yahay.

Faaida shaaheenna waxaa ka mid ah:
1- In uusan halis uusan ku ahayn caafimaadka wadnaha uusanne ka qeyb qaadan waxyaabaha wadnaha khatarta galiyo sida dhiig-karka.
2- Shaahaeenna wuxuu yareeyaa halista cudurka faalijka.
3- Waxay baaritaan la soo saaray sanadka 2009 lagu ogaaday in shaaha madow uu yareeyo cudurka sonkorowga isagoo nuugista sonkorta jirka uu ku yareeyo.
3- Baaritaan kale wuxuu sheegay in shaaha oo si joogto ah loo cabo in uu yareeyo halista cudurka kansarka, inkastoo ay jiraan baaritaanno kale oo warkaas ka soo horjeedo oo ah wax faaido uusan shaaha madow u lahaynin kansarka.

Ugu dambayntii shaaha cagaarka oo aad hadda in dunida looga cabo la billaabay ayaa wuxuu leeyahay faaidooyin caafimaad oo tira badan kuwaas oo aan laga helin shaahyada kale, marka talo ahaan haddii aad tahay qof aad shaaha u cabo, isbar in aad cabto shaaha cagaaran, kaasoo soomaaliya iyo kenyaba laga helo.

Shaaha inta aad cabto ayay ku xirantahay hurdada ku qabanayso, maxaayeelay koobkii shaaha madaw waxaa ku jira 50 mg oo Caffeine ah. meesha Kaffee-ga caadiga ah uu ku jiro 100-350 mg oo caffeine ah.
Shaaha cagaaran waxaa ku jiro 8-30 mg oo caffaine ah.
Title: Re: Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?
Post by: CilmiSabca on October 31, 2011, 10:33:59 PM
Somalidoc aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay jawaabtaada, aniga iyo qof walba-na waan ka wada faa'iideysaneynaa taladaada qiimaha badan. Thank You again.
Salaama Allaah.