Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on March 25, 2008, 03:23:52 PM

Title: Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)
Post by: SomaliDoc on March 25, 2008, 03:23:52 PM
(http://somalidoc.com/Topics/islahadal.png)

Buugan yari wuxuu qeexayaa calaamadaha diiqista (niyad jabka), iyo dawaynta kala duwan ee diyaarka ah. Waxuu sharxaysaa siyaabaha dadku isu caawin karaan, waxa reerku iyo asaxaabtu samayn karaan. Waxa kale oo tilmaamaysaa xagii aad talo iyo macluumaad dheeraada ka raadsan lahayd. Diiqaddu waxay u haleeli kartaa dadka si kala duwan, waxay soo saari kartaa astaamo kala duwan, qaar nafta ah iyo qaar jirka ah. Hadii aad diiqday ama niyad jabtay waxaa laga yaabaa inaad moodid in aan wax kaalmo ahi jirin. Laakiin waxyaalo aad samayn karto oo is bedel keeni kara ayaa jira. In aad go’aaansato in aad wax iska qabato, waa talaabada ugu muhiimsan ee aad qaadi kartid. Dadka intooda badani way kasoo kaban karaan muddada yar ee diiqadda, xataa qaar sidii khibrab fiican (gaareen) ayay dib u jaleecaan, taas oo qasabtay in ay noloshooda iyo sida ay u noolyihiin wax ka bedelaan.

Buugga waxaan u kala qeybin doonnaa ilaa 8 qeybood oo su'aal iyo jawaab ah annagoo ka jawaabi doonna su'aalahaan soo socda?

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0)
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=890.0)
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=897.0)
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=909.0)
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=910.0)
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=915.0)
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=916.0)
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=917.0)

Anagoo buugga ka dooranayno maalinba qeyb si ay u sahlanaato fahmidiisa wixii su'aalo aad ka qabtid iyo macluumo dheeraadne aad ku weydiin karto dhamaadka qoraal walba.

Understanding Depression
Mind waa hay’ad khayri ah oo diiwaan gashan Lam. 219830
Mind (Ururka Qowmiga ah ee Caafimaadka Maskaxda)
15-19 Broadway, London E15 4BQ
Title: Re: Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)
Post by: Ahmed Yare on October 03, 2012, 02:46:50 AM
Would a Prozac kill you? No, Try it, it made my life livable.
Title: Re: Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)
Post by: Salaado cali on March 22, 2015, 04:29:34 PM
Jazakalah khayr dr kiniiga antidepressants qofka waali ama in xasuusta ka takato ma u keeni karaa mise
Title: Re: Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 05:18:17 PM
Waxyeellada aad dareemayso waxay ku xiran tahay kaniiniga aad qaadanayso nooca uu yahay, ee fadlan noo sheeg daawada aad qaadato iyo waxa aad dareemayso.
Title: Re: Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)
Post by: Salaado cali on April 01, 2015, 12:01:45 PM
Dr wili ma aan qaadan dhaqararna uma tagin lkn dadka ayaa igu dhaha keaneeyda loo isticimaalo walwalka dadka maskaxadooda ayey badalaan mark cabsidaas ayaa jirta mida kale dr xaaldah nuujinta iyo uurka ma laa qdan karaa ?iga raali noqo dr hadaan suaaalah kaa badiyey si niyada ah ayaan kuugu ducayn dr waxa kale ma awoodo thanks
Title: Re: Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)
Post by: SomaliDoc on April 02, 2015, 03:53:47 PM
Haddii aad qabto depression, isaga ayaa keeno maskax badalka, daawadane arintaas ayay xallinaysaa ee welwel dheeraad aha ma maskaxda oo xanuun hor leh ku dhaco ma keento.

Midda kale daawada aad qaadanayso nooceeda ayay ku xiran tahay, qaarkood hooyo nuujinayso lama siiyo, ee fadlan ka warayso takhtarka kuu qoray daawada.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.