Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdallahmaali on December 11, 2018, 05:51:34 PM

Title: Su'aal: Lafaha ayaa i xanuuno?
Post by: Abdallahmaali on December 11, 2018, 05:51:34 PM
dr. waad mahadsantahay
lafaha ayaa ixanuuna mideeda kale tuur ayaan yeeshay korrinka lafahaygana hoos ayay usii dhacayaan da'daydu waa 20 waana sii gabanaya muddo 5bilood laga joogo maalin intaan lug dheer galay hbnkii markaan seexday subixii waan kici waayay waxaana xanuun kadareemayay lafdhabarta qaybteeda hoose illa miskaha agagaaradaas markaan dr. utagayna sciatic nerve ayay igu sheegeen lkn meesha xanuunka iga hayay ayay laf qac ilahayd markaasna xooga waa nafisayay raajo ayay idiren raajadiina waxaa dhacday inay beerbeer iiseexiyen kadib jawaabti waxy idhaheen laf kuma jabna xooga 2todobaad kadib xanuunki wuu igu sii kordhay markale ayaan drkii ku noqday raajo igu celi ayaan ku iri lkn wuu diiday kiniiniyo ayuu iiso qoray 20 cesho kadib xooga socodkii ayaan awooday xitaa inaan ordo alx lkn waxaan dareemayaa wali xanuun meeshii ah marka marka dr waxaan rabay muxuu noqon karaa xanuunkaas calcium la'aan  inu noqdo malaga yaaba maxaase ila gudboon ood ifari lahayd?
 
    ......mahadsani
Title: Re: Su'aal: Lafaha ayaa i xanuuno?
Post by: SomaliDoc on April 07, 2019, 11:48:03 PM
Badanaa raajada la saaro lafdhabarta waxay warbixin ka bixisaa lafaha ee warbixin fiican kama sheegto carjawda lafaha u dhaxayso, seedaha iyo murqaha intaasoo ka qeyb qaadan karo xanuunka aad dareemayso, sida aan filayo xanuunkaaga waa mid la xiriira ricirrada lafdahbarta taasoo raajada aysan faahfaahin fiican ka bixin karin, waxaana qofka la saaraa MRI, halkaan ka akhriso qoraal aan horay uga hadalnay dhibaatadaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0)