Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: MAHAD CADDE on November 14, 2009, 02:23:47 PM

Title: Su'aal: Ear Infection?
Post by: MAHAD CADDE on November 14, 2009, 02:23:47 PM
Ascww

Salaan ka dib wiil yar oo jira 2.5 yr ayaa dhagaha ka socotaa malax ama carun weliba xiliyada hargabku ku dhaco hadaan dawadii siiyay kala nooc wey joogsan la dahay dhagtii

waan ku daalay dhaqtar maxaan sameeyaa talo iga soo sii walaal arintan wxaan ka cabsi qabaa meelo badana ka aqriyay in dhagahu eber noqonayaan hada sida ugu haboon lo daweyn cabsidaas ba jirta marka talo iga soo sii

Mahadsanidin
Mahad
Title: Re: Su'aal: Ear Infection?
Post by: SomaliDoc on November 17, 2009, 08:20:34 PM
Hurgunka ama infekshanka bartamaha dhegta waxaa loo yaqaannaa Otitis Media.
Hurgunkaan waxaa sababa marka dheecaan ka yimid dhegtaadu uu meesha ku xannibmo.
Tani waxay dhici kartaa marka aad qabto hergeb, sanboor ama ifilo.
Dheecaanku wuxuu bakteeriyada u oggolaadaa iney kobocdo ayna cadaadis dul dhigto sagxadda dhegtaada.

Caabuqa dhegta marka uu cusubyahay wuxuu wataa Xanuun, Qandho, Dheecaan soo burqada, Markuu raagane xanuunka wuu yaraadaa laakiin maqalka ayaa is dhimi kara.
marka caabuqa dhegta uu cusub yahay waa lagu guuleestaa daaweynteeda laakiin markii uu raago oo malaxda in muddo ka socoto waxaa loo yaqaanaa (Chronic Suppurative Otitis Media) oo daaweynteeda waa lagu fashilmaa sababaha soo socdo awgeed:

Goojooyinka la isticmaalo haddii aanan dhegta la dhadiifin oo wasakhda ku jirta laga soo saarin oo nudadka ka soo baxay laga jarin si dhegta hawo u hesho, goojada wax ka ma tarto taas darteed goojo dheg maal ka soccotay muddo dheer waxba ka tari mayso waana wax common ah oo la wada smaeeyo.

Midda kale bacteeriyada keentay caabuqaan waxa loo baahanyahay in la beero (Culture) si daawada ku habboon loo siiyo.

Haddii intaa ka dib ku reysan wayso waxaa lagu sameeyaa qalliin ama haddii dhegtu dhaawac aysan ka bogsoon karin gaaro sida in durbaanka uu burburo oo kale.

Waad na soo weydiin haddii aad qabto su'aalo kale
SomaliDoc