Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Miiraalle on February 18, 2016, 04:35:27 PM

Title: Su'aal: Waxaan qabaa Hepitatis B muddo dhan 4 sano?
Post by: Miiraalle on February 18, 2016, 04:35:27 PM
Sc dhamaan dhaqaatiirta iyo fududeeyayaasha Somalidoc

Bacdu Salaam waxaan qabaa su'aal ah,

waxaan qabaa Hepitatis B muddo dhan 4 sano wax daawo ahna maanan qaadan lkn waxaan dareemayaa xanuun xaga sarcanta sare ah dhawanahaan
Ma isticmaali karaa geedka moring iyo kaniinka gaaska ee loo yaqaano omeparasole capsoul 40 mg ah

Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan qabaa Hepitatis B muddo dhan 4 sano?
Post by: SomaliDoc on February 20, 2016, 01:59:10 PM
Kaniiniga gaaska ma xanuunkaas dartii miyaa u qaadanaysaa mise cillad kale?
Midda kale hepatitis B-gaaga ma active baa mise waa carrier? waa muhiim in aad kala ogaato inta aadan daawo qaadanin.
Fadlan la xiriir dhakhtar isagaa baaris dhiig ka dib kuu sheegi doono.