Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: Admin on February 21, 2007, 05:59:39 PM

Title: Hargab Shimbireed!!
Post by: Admin on February 21, 2007, 05:59:39 PM
Hargab shimbireedka waa hargab ku dhaca shimbiraha duurjoogtada ah aduunka oo dhan waxeyna ay ku sitaan xiidmahooda viruse-ka keeno cudurka laakiin lama jiradaan.
waana cudur faafitaankiisa aad u dheereeya khaas ahaan shimbiraha dhaxdooda wuxuuna u soo gudbi karaa shimbaraha dadka la nool sida doorada!
Markuu shimbirka la jirado cudurka wuxuu viruse-ka ku wataa dhareerkiisa (saliva) , dheecanka sankiisa (diifka) iyo saxaradiisa.
meeshaas ayeyna ka qaadaan shimbiraha kale oo ayna la jiradaan, jiradaasoo oo laba loo kala qaadi karo:
mid fudud oo aan calaamadaha aan ka muuqaneen shimbirka ama baalasha iney ka daadaataan ama ukunta soo saaritaankeeda uu yareeyo kaliaya.
mid qatar ah oo shimbirka la dhinto oo waxyeelo u geesta xubnaha gudaha oo idil waxeyna 90-100% kiiba ku dhintaan labo maalmood gudahood.
Siduu ugu gudbaa dadka?
Marka hore akhristaha waa inuu ogaadaa in viruse-ka keeno cudurkaan uusan aheen hal kaliyaa oo aad u badan yihiin oo ilaa ay gaarayaan 25 nooc.
25-kaas nooc waxey ka farcamaan midka la yiraahdo influenza "A" viruse.
labada nooc ayaa ugu caansan badanaane dilaaga ah waxaa lakala yiraahdaa H5 and H7.
Maxaa keenay inuu qofka ula dhinto hadii horeyba loo yaqaanay cudurka iyo viruse-ka keenaba?
Cudurka wixii ka horeeyey 1997-dii inuu u gudbi karo looma heysan ilaa la arkay waxaana taas u sabab ah nooc ka sii mid ah H5-ka loona yaqaano H5N1 oo dadka haduu u gudbo dili karo.
Cudurkaan oo aduunka ku faafaya maalmahaan badanaa warbaahintu ay warheyso ayaa ilaa iyo hada daawo joojiso loo la'yahay
Badanaa wuxuu u badanyahay wadamada indha yaryarta aan u naqaano.
Cudurka badanaa wuxuu ku dhacaa dadka ku nool meelaha lagu xaanaaneeyo shimbiraha sababtaas ayaana keentay ayey dhaheen khubarada inuu wadamadaas ku bato maadaama ay ku noolyihiin shimbirahaas.
SIdee la isaga ilaalin karaa?
Marka dadka xanaaneeysta shimbiraha waa inay ka fogaadaan meelahaas hadii ay jiradaan shimbiraha. hadii aad shimbir qalatidne waa inaad safiican iskaga karisaa maadaama viruse-ka H5N1 uusan u adkeysan karin kuleel ka badan 70c.
Cudurkaan si fudud uguma gudbo bin'aadanka waxaadne ka dareemi kartaa tirada dadka u dhimatay marka la barbar dhigo tirada shimbiraha u dhimatay (>200 qof : 150 million shimbir)
Inuu qof u sii gudbiyo qof kalena aad ayey u yartay dhicitaankeeda.
Talaal ma leeyahay cudurkaan?
Nasiib darro ma jiro talaal joojin kara ama ka hortagi kara cudurkaan inkastoo sanad walbo la soo saaro talaal hargab.
Maxaa kamid ah calaamadihiisa?
Badanaa dadka marka uu ku dhaco cudurkaan calaamadahiisa waxey u eg yihiin hargabkii caadiga ahaa oo aan naqiinay taas ayaana keeni karto dadka iney si degdeg ah ugu geeriyoodaan iyagoo aan dhakhtar u tagin.
Ilaahey hanaga haayo cudurada, khaas ahaan cuduradaan oo kale maxaa yeelay haduu wadankeena ku dhaco ilaahey kuma ridee way dhib badantahay si lagu ogaado ama loo baaro maxaayeeley aduunka oo idil meelaha lagu baaro way tirsamaan.
hadii ay jiraan su'aalo ama wax siyaado ah oo ku saabsan mawduucaan hoos ku qor adigoo mahadsan.
wixii macluumaat dheeraad ah oo ku saabsan cudurkaan halkaan kala soco
http://www.who.int/csr/disease/avian_influenza/en/
--------------------------------------------------
By: Dr.Mahdi
Title: Re: Hargab Shimbireed!!
Post by: Admin on February 28, 2007, 09:19:47 PM
A research revealed today says:
Some people are Immune to Avian Flue
Visit this link to read the full article
http://www.sciencedaily.com/releases/2007/02/070213081902.htm
Thanks
By: Dr.Mahdi