Somali Medical Forums

Allied Health Professions => Radiology & Medical Imaging => Topic started by: SomaliDoc on December 12, 2008, 11:22:31 AM

Title: Dheecaan ka qaadista Dhuuxa Lafta (Bone marrow biopsy)
Post by: SomaliDoc on December 12, 2008, 11:22:31 AM
Dhuuxa laftu waa unug jilicsan oo gudaha laftaada ku jira halkaasoo unugyada lafta lagu sameeyo. Waqtiga la qaadayo dheecaanka dhuuxa lafta, sambalka yar oo unug ayaa la qaadayaa waxaana loo dirayaa baaritaan. 
Dheecaanka waxaa badanaa laga qaadaa laftaada sinta ee dhabarka hoostiisa.   
 
Dheecaan ka qaadidda dhuuxa lafta waxaa loo sameeyaa si:
• Loo hubiyo cudurro dhiigga ku jira
• Loo hubiyo kansar dhiigga ama lafaha ku jirta
• Loo fiiriyo sida daaweyntu u shaqaynayso 
• Loo hubiyo cudur malaxaysi leh
 
Baaritaanku wuxuu qaadanayaa ilaa 30 daqiiqadood.
 
Si aad isugu Diyaariso
• Baaritaanka ka hor, shaqaalaha wax uga sheeg:
─  Daawooyinkaaga (dhir, miiska lagaa siiyo, fitamiinno, iyo daawooyinka la isu qoro)
─  Xajiinnada iyo daawooyinka aad ku canaanyooto
─  Dhibaatooyinka kale ee caafimaadka iyo qalliinnada
─  Qalliinnada
─  Uur

Waqtiga Baaridda
• Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawo kabuubiso ama daawo xanuun.
• Waxaad u jiifsanaysaa dhinacaaga ama caloosha. 
• Dhakhtarku wuxuu meesha kaaga durayaa daawo kabuubiso ah. Waxaa laga yaabaa iney ku xanuujiso. 
• Marka meeshu ay kabuubyooto, dhakhtarku cirbad ayuu gelinayaa maqaarka ilaa lafta. Waxaad dareemi doontaa xoogaa cadaadis ah waxaana laga yaabaa inaad dareento xoogaa xanuun ah. Tani waxay badanaa ku dhammaataa dhowr ilbiriqsi.
• Dhakhtarku wuxuu soo saari doonaa sambal unug ka dibna cirbadda ayuu kaa soo bixin donaa. Faashad ayaa meesha lagaa saari doonaa. 
 
Baaritaanka ka Dib
• Waxaad u baahan doontaa inaad dhabarka u seexatid ilaa 15 ilaa 20 daqiiqadood.
• Kalkaalisadu waxay hubin doontaa in wax dhiig ah uu ka soo baxayo faashadda.
• Waxaa laga yaabaa in xoogaa nabar ah kugu sameysmo ama lur iska yar. 
• Waxaad iska fujin kartaa faashadda maalinta ka danbaysa dheecaan qaadidda. 
• Natiijooyinka baaritaanka waxaa loo dirayaa dhakhtarkaaga.

Dhakhtarkaagu wuxuu kula socodsiin doonaa natiijooyinka.
 
Isla markiiba dhakhtarkaaga aad haddii uu xanuunku lugahaaga u gudbo ama aad ka dhiigbaxayso meesha dheecaanka laga qaaday.

Halkaan ka weydii haddii aad wax su'aalo ah ama walaac ah qabtid.
SomaliDoc