Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cali Asaaro on July 24, 2015, 06:24:23 PM

Title: Su'aal: Timirta malaga qaadi karaa cudurka sonkorta?
Post by: Cali Asaaro on July 24, 2015, 06:24:23 PM
asc doctr salaan kadib waxaa idiin waydiina waxaan aad u cunaa timirta subaxdi markaan soo tooso iyada ayaan ku quraacdaa ilaa 9 xabo oo timir ah, marka waxaan rabaa inaan ogaado timirta hadaan iska badiyo ma ii keeni kartaa cudurka sonkorta ama diabets.thnks
Title: Re: Su'aal: Timirta malaga qaadi karaa cudurka sonkorta?
Post by: SomaliDoc on July 25, 2015, 10:56:17 AM
Cudurka sonkorowga siyaabo badan ayuu ku yimaadaa oo ay ugu horrayso dhaxal, qofka qaab nololeedkiisa, xanuun kaga dhacay xubinta ganaca oo soo saarto maadada insulin-ta.
Weli la iskuma waaqafaqasano in sonkorta oo al badsado noocey rabto ha ahaato in ay sonkor ka dhalato ama macaan keeni karto.
Sidaa awgeed timirta waxay ka mid tahay cunnooyinka faa'idada u leh jirka waxaadna ka akhrisan kartaa halkaan faa'idadeeda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5274.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5274.0.html)