Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zenubi1 on March 06, 2016, 11:06:16 AM

Title: Su'aal: Feedho xanuun?
Post by: Zenubi1 on March 06, 2016, 11:06:16 AM
Doctor salamu alaik warahmatulah.

Waxaan ahey Hooyo 2 cunug haysato. Somalia kunool. Waxaa imika mudo 3 bil ah xanuun iga hayey laabta kaas oo aan dareemay neeftoo iqabata oon qolka ku jiri Karin ilaa daaqada la furo. Waxaan dareemaa xanuun feeraha ah kolkaan meel tiigsado ama anoo hurdo si degdeg ah isu rogo. Xanuunka laabta oo ah inta ka sareysa naasaha ayaan ka dareemayaa. Doctor aan utagey qaar nabar ayaa sambabkaaga midig ku yaal bay dhaheen qaarna bronchites ayaa ku heysa ayeey dhaheen. Laabxanuunka waxa awal hore iidheeraa xumad aan badneyn oo marmar ah Iyo daal aan dareemi jirey hadase daalkii malihi Iyo xumadiiba. Waxa kaloo lahaa qufac yar oob badneyn marmar oo xaako yar oo cagaar ah marmar soo raacdo. Imikase waxaan laabtii xanuunkeedii aheyn malihi dhaqtarkii aan tagona 2 waxay dhaheen nabar ayaa sambabkaaga midig ka muuqdo 2 waxay dhaheen waa bronchites dawooyin ay isiiyeen kuligood intaan cuneyo waa ku reystaa hadana waa soo laabtaa laabxanuunku kolkaan dhameeyo. Maxaa umaleyn adigu dhaqtar maxaase igula talin.

Mahadsanid dhaqtar.
Title: Re: Su'aal: Feedho xanuun?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2016, 01:16:55 PM
Feero xanuunka waxyaabo badan ayaa keeni karo, laakiin qoraalkaan ayaa kaa caawin doono nooca aad ka sheeganaysid ee akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html)